Iran oo beenisay in ay isku dayday in ay disho Trump

Image

Tehran — Iran waligeed ma shirqoolin inay disho madaxweynaha la-doortay ee Mareykanka Donald Trump, waxaa sidaas wareysi uu siiyay NBC News Talaadadii ku sheegay madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian, isagoo beeniyay sheegashadii hore ee Trump iyo dowladda Mareykanka.

Bishii November, waaxda cadaaladda ee Maraykanka ayaa nin Irani ah ku soo oogtay dacwad la xiriirta shirqool ay amar ku bixiyeen Ilaalada Kacaanka Iran, si uu u dilo madaxweynaha la doortay ee Maraykanka. Ciidamada ammaanka ayaa fashiliyay qorshaha la sheegay ka hor inta aan wax weerar ah la qaadin.

Trump ayaa sidoo kale sheegay sanadkii hore intii lagu jiray ololaha doorashada madaxweynaha Mareykanka in Iran laga yaabo inay ka dambeysay isku dayo lagu dili rabay.

"Waxba kama jiraan," Pezeshkian ayaa ku yiri NBC News, markii la weydiiyay haddii uu jiro qorshe Iran ah oo lagu dilayo Trump. "Weligeen iskuma dayin ugu horreynba, mana isku dayi doono abid.”

Trump, oo ku guuleystay doorashadii Mareykanka ee sannadkii hore, xilkana la wareegi doona Isniinta, ayaa ka badbaaday laba isku day dil intii lagu jiray ololaha - mid bishii September xilli uu golf ku ciyaarayay West Palm Beach, Florida, iyo mid kale intii lagu jiray isu soo bax bishii Luulyo ka dhacay Butler, Pennsylvania.

Baarayaasha ma helin wax caddaynaya ku lug lahaanshaha Iran ee midkoodna.

Iran ayaa sidoo kale horay u beenisay sheegashada Mareykanka ee ah in ay faragelin ku heyso arrimaha Mareykanka, oo ay ku jiraan howlgallo dhanka Internetka ah.

Tehran ayaa sheegtay in Washington ay faragelin ku samaynaysay arrimaheeda gudaha muddo tobanaan sano ah, iyada oo soo xiganaysa dhacdooyin u dhexeeyay afgambigii 1953 ka dhanka ahaa ra'iisul wasaaraha dalkaas, illaa 2020 oo taliye milatari oo sare lagu dilay duqaynta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka.

REUTERS

Related Articles

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM

Trump oo hakiyay duqeymihii Mareykanka ee Iran si fursad loo siiyo wada-hadallada

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa inuu booqdo Aqalka Cad, halkaas oo uu kula kulmi doono Trump.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 11:31AM