Iran oo diiday wadahadal toos ah inay Mareykanka la gasho kadib Warqaddii Trump usoo diray

Image

TEHRAN, Iran - Madaxweynaha Iran ayaa sheegay in dalkiisa si cad u diiday wada-hadal toos ah oo ay la yeesho Mareykanka. Tani waa  jawaabtii ugu horreysay ee Tehran ka bixiso warqad uu Donald Trump, u diray hogaamiyaha ugu sarreeya ee dalka Iran oo ugu hanjabay inuu duqeynayo Iran hadii ay diido inay wadahadal ka gasho barnaamijkeeda Niyukleerka.

Madaxweyne Masoud Pezeshkian oo jawaabta u mariyay Cumaan, ayaa sheegay in weli furan tahay wada-hadallo dadban oo lala yeesho Washington. Si kastaba ha ahaatee, wada-hadalladaas wax horumar ah lagama gaarin tan iyo markii Trump uu sanadkii 2018 si iskiis ah uga baxay heshiiskii nukliyeerka Iran.

Tan iyo markii Israa'iil duulaanka ku qaadey Gaza, xiisadaha gobolka bariga dhexe ayaa sare u kacay.  Hadda, iyadoo Mareykanku uu duqeymo xooggan ka wado Yemen si uu u beegsado Xuutiyiinta ay Iran taageerto, khatarta weerar millatari oo lagu beegsado barnaamijka nukliyeerka Iran weli waa taagan tahay.

Mowqifka Iran oo adkaaday ka dib warqadda Trump

In madaxweyne Pezeshkian uu si cad u shaaciyo go’aankaasi waxay muujineysaa sida ay wax badan uga beddelmeen siyaasadda Iran tan iyo markii uu la wareegay xilka madaxweynenimada muddo ku dhow lix bilood ka hor, isagoo ballan qaaday inuu xiriir dib u billaabi doono la yeelashada Reer Galbeedka.

Tan iyo markii Trump la doortay mar kale oo uu dib u bilaabay ololihiisii cadaadiska ugu badan ee Iran ka dhan ahaa, lacagta Iran (riyal) waxay gashay hoos u dhac weyn. Pezeshkian waxa uu weli furfurnaan u muujinayay wada-hadal ilaa uu hogaamiyaha ugu sarreeya ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei oo 85 jir ah, si adag ugu hadlay Trump bishii Febraayo, kuna tilmaamay wada-hadal lala yeesho xukuumaddiisa mid aan caqli, xikmad iyo sharaf toona lahayn. Isla markiiba Pezeshkian ayaa isna adkeeyay hadalladiisii ku wajahnaa Mareykanka.

Dhanka kale, toddobaadyadii la soo dhaafay waxaa jiray farriimo is khilaafsan oo ka imaanayay Iran. Muuqaallo laga duubay dibadbaxyadii Maalinta Qudus ee Jimcihii la soo dhaafay ayaa muujinayay dadweyne si gaar ah loo faray in ay ku qayliyaan “Ha dhinto Israel!” halkii caadiyan laga maqli jiray “Ha dhinto Mareykanka!”

Muuqaal kale oo muujinaya saldhig gantaallo ah oo dhulka hoostiisa ah oo ay shaaciyeen ilaalada kacaanka (Revolutionary Guard) ayaa muujiyay askar ku dul tallaabaya calanka Israel oo dhulka lagu rinjiyay, inkasta oo aan la arkin calanka Mareykanka oo sida caadiga ah ku jiraya muuqaallada noocaas ah.

Si kastaba ha ahaatee, telefishinka Press TV, oo ah laanta Af-Ingiriisiga ku hadasha ee warbaahinta dowladda Iran, ayaa toddobaadkii hore daabacay maqaal ay ku xustay saldhigyada Mareykanka ee Bariga Dhexe sida meelaha la beegsan karo haddii weerar dhaco. Liiskaasi waxa ku jiray Camp Thunder Cove oo ku yaalla jasiiradda Diego Garcia ee Badweynta Hindiya, halkaas oo Mareykanku uu ku duuliyo diyaaradihiisa qarsoon ee B-2 Bombers, kuwaas oo la tuhunsan yahay in ay qeyb ka yihiin howlaha Yemen.

“Maraykanku isagaa og inta uu u nugul yahay,” ayuu yiri Afhayeenka Baarlamaanka Iran, Maxamed Baqer Qalibaf, Jimcihii. “Haddii ay ku xad-gudbaan madaxbannaanideena, waxay noqon doontaa sidii dhimbiil ku dhacday bakhaar baruud ah, taasoo guban doonta guud ahaan gobolka. Xaaladdaas, saldhigyadooda iyo saaxiibadoodaba amaan ma noqon doonaan.”

Si kastaba ha ahaatee, Iran waxay laba jeer si toos ah u weerartay Israel iyada oo adeegsaneysa gantaallo iyo drones, balse waxyeeladu aad bay u yareyd. Dhanka kale, Israel waxay si xoog leh u burburisay nidaamka difaaca cirka ee Iran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Syria oo Ku Dhawaaqay Xukuumad Isku-Dhafan oo Cusub

Xukuumadda cusub ee Syria ma yeelan doonto ra’iisul wasaare, waxaana al-Sharaa lagu wadaa inuu hogaamiyo laanta fulinta ee dowladda.

  • Caalamka

    30-03-2025

  • 10:15AM

Tatuu gacanta Xoghayaha Difaaca Mareykanka Ku Qoran “Kafir” oo Dhaliyay Dood Adag

Tatuugan ayaa markii ugu horreysay la arkay Arbacadii intii uu booqanayay saldhigga ciidamada ee Joint Base Pearl Harbor-Hickam ee gobolka Hawaii.

  • Caalamka

    29-03-2025

  • 07:23AM