Iran oo diiday xabbad-joojin ku meel gaar ah

Image

Iran ayaa sheegtay in ay doonayso “in la soo afjaro dagaalka lagu soo rogay” halkii ay ka aqbali lahayd xabbad-joojin ku meel gaar ah oo lala galo United States, iyadoo diiday soo jeedinta xabbad-joojin 45 maalmood ah oo Donald Trump maamulkiisu ku tilmaamay “mid ka mid ah fikradaha badan” ee la tixgelinayo. 

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan, Esmaeil Baqaei, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Tehran Isniintii, ayaa sheegay in hakad kasta oo dagaalka ah uu fursad siin karo cadowga si uu dib ugu abaabulo ciidamadiisa. 

“Awoodda difaaca dalkeenna kama gaabin karno xilli kama dambeys ah,” ayuu yiri Baqaei, isagoo intaa ku daray in xabbad-joojintu ay tahay “hakad gaaban oo u oggolaanaya dhinaca kale inuu dib isu dhiso oo mar kale weeraro.”

Baqaei ayaa sheegay in Tehran ay gudbisay shuruudo ku saleysan danaha qaranka iyada oo loo marayo dhexdhexaadiyeyaal, isla markaana ay diiday dalabaad hore oo Mareykanku soo jeediyay, oo ay ku jiraan qorshe 15 qodob ah oo uu ku tilmaamay “xad-dhaaf”.

Dhanka kale, sarkaal ka tirsan White House ayaa sheegay in xabbad-joojinta 45 maalmood ah ay tahay “mid ka mid ah fikradaha badan” ee miiska saaran, sida uu sheegay weriye Barak Ravid. Wuxuu intaa ku daray in Trump uusan weli ansixin qorshahaas, isla markaana hawlgallada milatari ay sii socdaan. 

Baqaei ayaa carrabka ku adkeeyay in mowqifka Iiraan uu yahay dhammaadka dagaalka oo ay weheliyaan dammaanad qaadyo lagu hubinayo in uusan dib u soo laaban. “Dalabkeenna waa in la soo afjaro dagaalka lagu soo rogay, iyadoo la helayo dammaanad qaadyo ka hortagaya in wareeggan mar kale dhaco,” ayuu yiri.

Wuxuu sidoo kale muujiyay shaki ku saabsan dammaanadaha caalamiga ah, isagoo sheegay in United Nations aysan bixin karin dammaanad lagu kalsoonaan karo, isla markaana Iiraan ay ku qasban tahay inay amnigeeda ku xaqiijiso awooddeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan: Wadahadalka lagu joojinayo dagaalka Mareykanka iyo Iran "waddadii saxda ahayd" ayuu ku socdaa

Sharif ayaa si gaar ah u ammaanay doorka muhiimka ah ee uu ciyaaray Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Pakistan, Field Marshall Asim Munir.

  • Caalamka

    25-05-2026

  • 11:07AM

Iran iyo Mareykanka oo isku Adeegsanaya Dhacdooyin Taariikhi Ah Xilli Heshiis La Sugayo

Mareykanka ayaa ku adkeysanaya in Iran si buuxda u hakiso kobcinta uranium-ka…

  • Caalamka

    24-05-2026

  • 09:07PM