Iran oo diidey wadahadal ay la gasho Mareykanka iyo EU-da

Image

TEHRAN, Iran – Iran ayaa meesha ka saartay in ay kulan aan rasmi ahayn la yeelato Mareykanka iyo wadamada Yurub si ay ugala hadasho qaababka dib loogu soo nooleyn karo heshiiskii Nukliyeerka ee sanadkii 2015 ay la gashay quwadaha waaweyn, iyadoo ku adkeysaneysa in Washington marka hore ka qaado dhamaan cunaqabateynta halka dhinac ah.

"Marka la tixgaliyo falalkii iyo hadaladii ugu dambeeyay ee Mareykanka iyo seddexda quwadood ee reer Yurub, Iran ma tixgalineyso waqtigan inay kulan aan rasmi ahayn la yeelato dalalkan, kaasoo uu soo jeediyay madaxa siyaasada arimaha dibada ee Midowga Yurub," ayuu yiri afhayeenka wasaarada arimaha dibada Siciid Khatibzadeh, Axadii.

Mareykanka oo ka jawaabaya wuxuu yiri "wuu niyad jabay" laakiin wuxuu "diyaar u yahay inuu dib ugala hadlo diblomaasiyad macno leh si loo gaaro soo noqosho wadajir ah oo loo hoggaansamo ballanqaadyadii JCPOA," afhayeen u hadashay Aqalka Cad ayaa sidaas tiri, iyadoo tixraaceysa Qorshaha Wadajirka ah ee Waxqabadka, oo ah magaca rasmiga ah ee heshiiska nukliyeerka Iran.

Mas'uuliyiinta Iran ayaa xusay in Tehran ay darseyso soo jeedin ka timid madaxa siyaasada arimaha dibada ee Midowga Yurub, Josep Borrell, si loo qabto kulan aan rasmi aheyn dhinacyada kale ee heshiiska nukliyeerka iyo Mareykanka, kaas oo dib ugu soo celiyey cunaqabateyntii Iran ka dib markii madaxweynaha xilligaas Donald Trump uu ka baxay heshiiska 2018.

Heshiiska oo lagu saxiixay Vienna sanadkii 2015 wuxuu xeerinayaa Iran inay yareyneyso barnaamijkeeda nukliyeerka si loogu badalo in si tartiib tartiib ah looga qaado cunaqabateynta caalamiga ah.

Balse tan iyo markii Mareykanku si kaligiis uga baxay heshiiska oo uu dib ugu soo rogay cunaqabateyn qeyb ka ah ololihii “cadaadiska ugu badan” ee ka dhanka ahaa Tehran, Iran waxay kordhisay shaqadeeda nukliyeerka iyadoo ku xadgudbeysa JCPOA.

Iran iyo maamulka cusub ee Mareykanka ee madaxweyne Joe Biden ayaa ku kala aragti duwanaaday cida ay tahay inay qaado talaabada ugu horeysa ee dib loogu soo nooleynayo heshiiska. Iran ayaa ku adkeysaneysa in Mareykanku marka hore ka qaado cunaqabateynta halka Washington ay leedahay Tehran waa inay marka hore ku laabataa u hogaansanaanta heshiiska, kaasoo ay si tartiib tartiib ah u jebinaysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Netanyahu uga digay joogitaanka ciidamada Israel ee Suuriya iyo Lubnaan

Warbixinta ayaa sheegtay in intii lagu jiray wada hadal telefoon oo dhex maray labada hoggaamiye Khamiistii la soo dhaafay.

  • Caalamka

    14-07-2026

  • 06:52PM

Mareykanka oo Duqeeyey 140 Bartilmaameed oo ku Yaalla Iran

Dhanka kale, Iiraan ayaa la sheegay inay jawaab ahaan weerarro ku qaaday Baxrayn, Qatar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

  • Caalamka

    13-07-2026

  • 09:44AM