Iran oo Gaashaanka ku Dhufatay Eedeymaha Maraykanka

Image

TEHRAN – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araghchi, ayaa si kulul u beeniyay sheegashada dowladda Maraykanka ee ah in Tehran ay qorsheynaysay weerarro ka dhan ah danaha Maraykanka, isagoo ku tilmaamay eedeymahaas "been cad oo aan waxba ka jirin."

Qoraal uu soo dhigay barta X, wasiirka ayaa ku dooday in sheegashadan loo adeegsaday marmarsiinyo lagu xalaalaynayo wax uu ugu yeeray "Howlgalka Epic Mistake" (Khaladkii Waynaa), kaas oo uu ku sifeeyay tallaabo ay Israa’iil qorsheysay, balse ay bixiyeen kharashkeeda shacabka Maraykanka.

Xiisadda gobolka ayaa gaartay meel sare ka dib markii Maraykanka iyo Israa’iil ay weerar wadajir ah ku qaadeen gudaha dalka Iiraan. Tehran ayaa ka jawaabtay weerarkaas iyadoo gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku ridday Israa’iil iyo saldhigyada Maraykanka ee ku yaalla dalalka Khaliijka, Ciraaq, iyo Urdun.

Dhimashada: In ka badan 1,300 oo qof oo rayid ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerarrada Maraykanka iyo Israa'iil ee Iran.

Burburka Kaabayaasha: In ka badan 9,669 goobood oo rayid ah ayaa la burburiyay tan iyo markii uu dagaalku bilaabmay.

Goobaha Caafimaadka iyo Waxbarashada: Waxaa la beegsaday 32 xarumood oo caafimaad, 65 iskuul, iyo 13 dhisme oo ay leedahay Bisha Cas.
Khatar Caafimaad iyo mid Deegaan

Wakiilka Iiraan ayaa sidoo kale ka digay masiibo caafimaad oo ka dhalatay duqeymaha lala beegsaday keydadka shidaalka ee magaalada Tehran iyo magaalooyinka kale. Qaraxyadan ayaa sababay in hawada lagu sii daayo wasakh sun ah oo khatar weyn ku ah carruurta iyo dadka nugul.

Iiraan ayaa ku doodaysa in weerarradan ay si cad u jebinayaan Axdiga Qaramada Midoobay iyo Heshiiskii Vienna ee 1961, kaas oo dhowrayay xiriirka diblomaasiyadeed iyo xasaanadda caalamiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM

Trump oo hakiyay duqeymihii Mareykanka ee Iran si fursad loo siiyo wada-hadallada

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa inuu booqdo Aqalka Cad, halkaas oo uu kula kulmi doono Trump.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 11:31AM