Iran oo hub ku wareejisay ciidamada Suudaan & Maraykanka oo Walaac ka muujiyay

Image
Kumanaan qof ayaa ku dhintay dagaalka u dhexeeya ciidamada Sudan iyo RSF.

Khartoum (GO) - Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay wararka sheegaya in Iran ay u dirtay ciidamada Sudan shixnado hub ah, iyaga oo dagaal kula jiro ciidamada taageerada degdega ah (RSF).

Safiirka Maraykanka u fadhiya Suudaan John Godfrey ayaa sheegay in Washington ay aad uga walaacsan tahay taageerada dibadeed ee la siinayo ciidamada Suudaan iyo kuwa taageerada degdegga ah.

Waxa uu intaa ku daray, "Waxaa jira warar sheegaya inuu dib u soo laabtay xiriirka Suudaan iyo Iran oo ay ku soo kordheen hubka iyo agabka ay Iran ku taageereyso ciidamada Suudaan, taas oo ah arrin walaac nagu ah."

Godfrey wuxuu xusay in Maraykanku ku booriyay dhinacyada dibadda inay ka fogaadaan taageerada labada dhinac ee dagaalamaya.

Kumanaan qof ayaa ku dhintay dagaalka u dhexeeya ciidamada Sudan iyo xoogaga Taageerada degdega ah tan iyo markii uu qarxay bishii April ee sanadkii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM