Iran oo ka carootay gabay uu soo xigtay Recep Erdogan

Image

TEHRAN, Iran – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa su'aallo ka waydiisay safiirka Turkiga wax ay ugu yeertay hadalo "faragelin ah" oo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan sheegay intii uu Khamiistii ku sugnaa waddanka Azerbaijan.

Erdogan ayaa u joogay caasimadda Azeri Baku ka qeybgalka dhoolatus milatari ah kaasoo lagu xusayey guusha Azerbaijan uga soo hooyatay dagaalkii ay Armenia bishii lasoo dhaafay ee November kula gashay gobolka Nagorno-Karabakh.

Madaxweynaha Turkida ayaa soo xigtay gabay Azeri-Iranian ah kuna saabsan qeybtii dhulka Azerbaijan ee dhaxeeya Ruushka iyo Iran qarnigii 19-aad.

Tehran ayaa u muuqata mid ka walaacsan in hadaladaas ay taageero u noqon karaan gooni-u-goosadayaasha Azeri ee looga tiro badan yahay Iiraan.

"Danjiraha Turkiga waxaa lagu wargeliyey in waayihii sheegashooyinka dhulalka iyo dhul-balaarsiga boqortooyinka soo dhamaadey," ayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan ku tiri bayaan ay ku daabacdey barteeda internet-ka.

Qoraalka oo luuqado kala duwan lagu faafiyey ayaa waxaa la raaciyey: "Iiraan cidna kama ogolaaneyso in uu faragelin ku sameeyo sharafteeda dhuleed".

Javad Zarif, wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, ayaa Twitter-ka kusoo qoray: "Madaxweyne Erdogan kuma baraarugsana waxa jiran ee uu ku soo xigtay Baku isaga oo tixraacaya kala soocid degaano dhulkeena kamid oo qasab ahayd".

Sidda lagu daabacay wakaaladda wararka Iiraan ee ISNA, gabayga lasoo xigtay "waa mid kamid ah astaamaha gooni u goosatada pan-Turkism-ka ah".

Tuducyadda ku jira gabayga laga yaabo in uu xiisad diblumaasiyadeed oo cusub uu qarxiyo ayaa waxaa kamida: "Waxay kala sooceen Webiga Aras ayaga oo ka buuxiyey dhagax iyo silig. Aniga kaama tegin. Ayagaa qasab nagu kala geeyay".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyaha Xuutiyiinta oo Sacuudiga ku eedeeyay inuu fulinayo danaha Mareykanka iyo Israa'iil

Al-Xuuti ayaa ku andacooday in shacabka Falastiin ay yihiin kuwa ugu badan ee waxyeelladu ka soo gaartay siyaasadaha Sacuudi Carabiya.

  • Caalamka

    16-07-2026

  • 02:29PM

Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka oo Qiray Qaladaad ay Dawladdiisu Gashay

Maraykanka ayaa sannadkii hore marar kala duwan dib u dhigay baahinta faylasha Epstein oo ahaa dambiile lagu helay dambiyo la xidhiidha galmo.

  • Caalamka

    16-07-2026

  • 10:23AM