Iran oo ka hadashay suurtagalnimada in weerar ka hortag ah lagu qaado Israa'iil

Image

TEHRAN - Telefishinka qaranka Iran ayaa Isniintii kasoo xigtay wasiirka arrimaha dibadda Hossein Amir Abdollahian, in Jabhadda wax-iska-caabbinta oo ka kooban kooxo daacad u ah Tehran la filayo in ay weerar ka hor-tag ah ku qaadaan Israa’iil.

Waiirka ayaa intaas ku daray in aan loo oggolaan doonin Israa’iil inay waxa ay doonto ka fuliso Qasa iyada oo aan la kulmin cawaaqib.

"Hogaamiyeyaasha wax iska caabinta ma ogolaan doonaan in taliska Sahyuuniyadda uu wax tallaabo ah ka qaado Qasa, dhammaan xulashooyinka ayay inoo saaranyihiin”.

Mas’uulka Iran ayaa intaa ku daray in “barakicinta tobanaan kun oo Falastiiniyiin ah iyo jarista biyaha iyo korontada ay u arkaan dambi dagaal”, isagoo carabka ku adkeeyay in Tehran ay sii wadi doonto taageerada ay siiso kooxaha Falastiiniyiinta.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM

Trump oo damaanad-qaaday amniga Ukraine Haddii Heshiis Nabadeed Laga Gasho Ruushka

Marka la eego arrimaha amniga, caawimo badan baa jiri doonta," ayuu Trump u sheegay warfidiyeenka.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 08:33AM