Iran oo ka hadashay suurtagalnimada in weerar ka hortag ah lagu qaado Israa'iil

Image

TEHRAN - Telefishinka qaranka Iran ayaa Isniintii kasoo xigtay wasiirka arrimaha dibadda Hossein Amir Abdollahian, in Jabhadda wax-iska-caabbinta oo ka kooban kooxo daacad u ah Tehran la filayo in ay weerar ka hor-tag ah ku qaadaan Israa’iil.

Waiirka ayaa intaas ku daray in aan loo oggolaan doonin Israa’iil inay waxa ay doonto ka fuliso Qasa iyada oo aan la kulmin cawaaqib.

"Hogaamiyeyaasha wax iska caabinta ma ogolaan doonaan in taliska Sahyuuniyadda uu wax tallaabo ah ka qaado Qasa, dhammaan xulashooyinka ayay inoo saaranyihiin”.

Mas’uulka Iran ayaa intaa ku daray in “barakicinta tobanaan kun oo Falastiiniyiin ah iyo jarista biyaha iyo korontada ay u arkaan dambi dagaal”, isagoo carabka ku adkeeyay in Tehran ay sii wadi doonto taageerada ay siiso kooxaha Falastiiniyiinta.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM