Iran oo ku hanjabtay weerar ka dhan ah Safaaradaha ay Israa’iil ku leedahay gobolka

Image
Iran ayaa wacad ku martay in ay ka jawaabi doonto weerarkii lagu qaaday qunsuliyadda Iran ee Dimishiq.

Tehran (GO) - Wakaaladda Wararka ee Tasnim ee ka soo xigatay sarkaal sare oo Iran ka tirsan ayaa sheegtay Axaddii in dhammaan safaaradaha Israa’iil aanay hadda ammaan ahayn.

Yahya Rahim Safavi, oo ah la taliyaha hogaamiyaha sare ee Iran Ali Khamenei, ayaa hadalkan jeediyay ka dib weerar ay Israa’iil ku qaadday qunsuliyada Iran ee Dimishiq 1-dii Abriil, kaas oo Tehran ay wacad ku martay inay ka jawaabi doonto.

Weerarkii lagu qaaday qunsuliyadda Iran ee Dimishiq ayaa ahaa kii ugu dhiirranaa ee weeraro xiriir ah oo lala beegsaday saraakiisha Iran ee Suuriya tan iyo bishii December, sidoo kale waa kii ugu ballaarnaa marka la eego tirada dhimashada ee uu geystay.

Iran ayaa wacad ku martay in ay si xoog leh uga jawaabi doonto, taas oo sare u qaadaysa cabsida laga qabo in dagaal balaaran uu ka dhaco gobolka, waxaanay taasi keentay in ciidamada Israa’iil ee ku maqnaa fasaxa laga joojiyay ayna ku soo laabteen Ciidanka.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM

Omar Fateh oo Aqbalay Guuldarradiisa Doorashada Duqa Magaalada Minneapolis

Haddii uu guuleysan lahaa, Omar Fateh wuxuu noqon lahaa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah, Soomaali Maraykan ah.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 05:24AM