Iran oo labo markab usoo direysa Gacanka Cadan

Image

April 9, 2015 (GO)- Dowladda Iran ayaa labo markab oo nooca dagaalka ah usoo dirtey Badda Cas gaar ahaan biyaha caalamiga ah ee kulaala xeebaha Yemen.

Telefishinka Press TV ee fadhigiisu yahay dalka Iran oo soo xiganaya sarkaal ka tirsan ciidamada badda dalkaas oo lagu magacaabo Xabiibullah Siyari ayaa warkan baahiyey.

Sarkaalka ayaa sheegay in ujeedada Iran maraakiibtaas usoo dirtey tahay, inay difaacaan danaha Iran ka leedahay Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Wuxuu sidoo kale sheegay in muddo saddex bilood ah ay halkaas ku sugnaan doonaan hawshooda ugu muhiimsanna noqon doonto inay maraakiibta iyo doomaha gacansiga ee Iran ka ilaaliyaan burcadbadeedka.

Iran oo kasoo horjeedda duqeymaha Sucuudiga iyo xulafadiisu ka wadaan dalka Yemen ayaa la rumeysan yahay inay taageero dhaqaale iyo mid militeriba siiso kooxda shiicada ah ee Xuuthiga.

Dhanka kale, afhayeen u hadlay isbahaysiga Carabta ayaa sheegay inaysan jirin wax maraakiib ah oo ka socda Iran oo soo gaarey Badda Cas, isagoo xusey in haba yaraatee wax cabsi ah aysan ka qabin khatar uga timaada dhanka Iran.

Hawlgalka Sucuudigu hormuud ka yahay ee loogu magac daray (Duufaanta Go'aan Adeygga) ayaa bilowdey March 26, 2015, markaasoo in ka badan boqol diyaaradood oo kuwa dagaalka ahi duqeymo ka geysteen gudaha dalka Yemen.

Goobaha sida gaarka ah loo bartilmaameedsadey waxaa kamid ah fariisimaha iyo keydadka hubka ee mileeshiyaadka Xuuthiga iyo ciidamada daacadda u ah madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdallah Saalax.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Trump: In dagaalka Iran sii socdo waxaan ka doorbidayaa heshiis

Trump ayaa sheegay in saraakiisha Iran ay la soo xiriireen maamulkiisa ayna dalbadeen in la wada hadlo.

  • Caalamka

    06-08-2026

  • 07:11AM

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM