Iran oo Maraykanka Ka Dalbatay Inuu Ka Qaado Cunaqabateynta Dhaqaale

Image

Tehran – Dowladda Iran ayaa si cad uga dalbatay Maraykanka inuu faahfaahin buuxda ka bixiyo sida cunaqabateynta saaran Tehran loo qaadi doono, haddii la doonayo in la gaaro heshiis cusub oo ku saabsan barnaamijkeeda nukliyeerka.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Esmail Baghaei, ayaa hadalkan jeediyay Isniintii, maalinno kadib markii Maraykanku soo gudbiyay waxa uu ku sheegay “soo-jeedin la aqbali karo”. Warar aan la xaqiijin ayaa tilmaamaya in Iran ay u aragto soo-jeedintaasi mid aan laga doodi karin, isla markaana ay u badan tahay inay diido.

Labada dhinac ayaa todobaadyo badan waday wadahadallo adag oo la xiriira barnaamijka nukliyeerka, iyadoo Maraykanku doonayo dammaanad ah in barnaamijku yahay mid nabadeed, halka Iran ay raadineyso in laga qaado cunaqabateynta dhaqaale ee culus ee saameynta ku yeeshay dhaqaalahooda sanadihii u dambeeyay.

Tehran ayaa hadda dalbaneysa in Maraykanku si cad u muujiyo waxa uu bixinayo, taasoo ka tarjumeysa shaki horey uga muuqday Hogaamiyaha Sare Ayatollah Ali Khamenei, oo isagu horay u sheegay in la’aanta dammaanad la taaban karo ay tahay caqabad weyn.

Baghaei oo la hadlay wakaaladda wararka ee dowladda IRNA ayaa carabka ku adkeeyay baahida loo qabo dammaanad rasmi ah oo ku saabsan “dhamaadka dhabta ah ee cunaqabateynta”, isagoo codsaday in la sheego “sida iyo habka” loo qaadi doono cunaqabateynta.

Danjiraha Maraykanka ee arrimaha Iran, Steve Witkoff, ayaa dhankiisa sheegay in Madaxweyne Donald Trump uu si adag uga soo horjeedo in Tehran sii waddo hodanka (enrichment)-ka uranium-ka, taasoo uu ku tilmaamay “khadka cas”.

Warbixin sir ah oo laga helay Qaramada Midoobay ayaa muujisay in Iran ay kordhisay soo saarista uranium-ka lagu hodmay 60 boqolkiiba – heer aad uga sareeya 4 boqolkiiba ee tamarta korontada loo baahan yahay, balse aan gaarin 90 boqolkiiba ee hubka nukliyeerka looga baahanyahay.

Baghaei ayaa warbixintaasi ku tilmaamay mid eex ah, isagoo ku eedeeyay waddamo reer galbeed ah inay ku cadaadinayaan Qaramada Midoobay inay tallaabo ka qaado Iran.

Ilo rasmi ah oo uu soo xigtay The New York Times ayaa sheegay in soo-jeedinta Maraykanka ee ugu dambeysay ay ku jirto dalab ah in Iran joojiso dhammaan noocyada hodanka uranium-ka.

Tehran ayaa xaqiijisay in la gaarsiiyay soo-jeedintaasi, taasoo Aqalka Cad ku sheegay mid “dan ugu jirta Iran”, hase yeeshee Iran ayaa sheegtay in wali ay dib u eegis ku waddo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka walaacsan in Zohran Mamdani uu noqdo duqa New York

Trump ayaa hadalkan ka sheegay wareysi uu siiyay Fox News oo la baahiyay Axaddii, isagoo si gaar ah u beegsaday Mamdani.

  • Caalamka

    30-06-2025

  • 08:04AM

Ruushka oo fuliyay weerarkii cirka ugu weynaa tan iyo bilowgii dagaalka Ukraine 

Aagag badan ayaa la beegsaday, oo ay ku jiraan galbeedka Ukraine, meel ka fog khadka hore ee dagaalka.

  • Caalamka

    29-06-2025

  • 11:11AM