Iran oo Maraykanka ku Eedeysay Fashilka Wadahadalladii Pakistan

Image

TEHRAN – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Araghchi, ayaa ku eedeeyay Maraykanka inuu sabab u ahaa fashilka wada-hadalladii u dhexeeyay labada dhinac, xilli uu gaaray magaalada Saint Petersburg ee dalka Ruushka si uu ula kulmo Madaxweyne Vladimir Putin.

Araghchi ayaa sheegay in dalabaadka xad-dhaafka ah ee Washington ay horseedeen in wareeggii ugu dambeeyay ee wadahadallada, inkastoo horumar laga sameeyay, uu ku dhammaado natiijo la’aan.

“Hab-dhaqanka Maraykanka ayaa sababay in wadaxaajoodyadii hore aysan gaarin yoolkoodii, sababtoo ah dalabaadkooda xad-dhaafka ah,” ayuu yiri Araghchi.

Wasiirka ayaa safarkiisa Ruushka ku tagay kadib booqashooyin uu ku kala bixiyay Cumaan iyo Pakistan, halkaas oo Islamabad ay martigelisay wareeggii ugu horreeyay ee wada-hadallada aan guusha laga gaarin ee u dhexeeyay Tehran iyo Washington.

Booqashadiisa Pakistan ayaa sare u qaaday rajada laga qabay in wada-hadallo cusub ay dib u billowdaan dhammaadka toddobaadka, balse arrintaas waxaa hakiyay go’aankii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku baajiyay safar ay qorsheynayeen ergadiisa Steve Witkoff iyo Jared Kushner.

Trump ayaa sheegay in haddii Iiraan ay rabto wadahadal, “ay noo iman karaan ama way na soo wici karaan,” isaga oo xusay in baajinta safarka aysan ka dhignayn in colaadda dib loo bilaabayo.

Dhinaca kale, wakaaladda wararka ee Fars ayaa sheegtay in Iiraan ay farriimo qoraal ah u dirtay Maraykanka iyada oo sii marsiisay Pakistan, kuwaas oo lagu caddeeyay xuduudaha aan laga gudbi karin, gaar ahaan arrimaha nukliyeerka iyo marin-biyoodka Hormuz Strait.

Fars ayaa sheegtay in farriimahaasi aysan qeyb ka ahayn wadaxaajoodyo rasmi ah.

Warbaahinta Mareykanka ee Axios ayaa Axaddii, iyadoo soo xiganaysa mas’uul Mareykan ah iyo ilo kale, sheegtay in Iiraan ay soo bandhigtay hindise cusub oo lagu soo afjarayo dagaalka, kaas oo diiradda saaraya dib u furista marin-biyoodka Hormuz iyo soo afjaridda xanibaadda ciidamada badda ee Maraykanka halkaas ka wadaan, iyadoo wada-hadallada nukliyeerka dib loo dhigayo marxalad dambe.

Wakaaladda wararka dowladda Iiraan ee IRNA ayaa soo xigatay warbixintaas, iyada oo aan si rasmi ah u beenin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan: Wadahadalka lagu joojinayo dagaalka Mareykanka iyo Iran "waddadii saxda ahayd" ayuu ku socdaa

Sharif ayaa si gaar ah u ammaanay doorka muhiimka ah ee uu ciyaaray Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Pakistan, Field Marshall Asim Munir.

  • Caalamka

    25-05-2026

  • 11:07AM

Iran iyo Mareykanka oo isku Adeegsanaya Dhacdooyin Taariikhi Ah Xilli Heshiis La Sugayo

Mareykanka ayaa ku adkeysanaya in Iran si buuxda u hakiso kobcinta uranium-ka…

  • Caalamka

    24-05-2026

  • 09:07PM