Iran oo markii ugu horreysay muddo bilo ah weerartay Sacuudiga
TEHRAN — Iran ayaa markii ugu horreysay muddo ku dhow afar bilood weerar ku qaaday Sacuudi Carabiya, iyadoo sii ballaarisay colaadda kala dhexeysa Mareykanka oo gaartay dalal kale oo ku yaalla Gacanka Carabta.
Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay bartilmaameedsadeen saldhigga cirka ee Amiir Suldaan (Prince Sultan Air Base) ee magaalada Al-Kharj ee Sacuudiga, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada Mareykanka.
Weerarada ayaa sidoo kale ku fiday Kuwait iyo Baxrayn, iyadoo Tehran ay sheegtay inay qaaday weerarro ka dhan ah goobo ay ku jiraan xarumo militari iyo kuwo istaraatiiji ah.
Madaxweyne Donald Trump ayaa dhanka kale sheegay in Mareykanku dib u soo celin doono xannibaadda badda ee saaran dekedaha Iran toddobaadkan, kadib markii uu bishii hore hakiyay tallaabadaas kaddib heshiis xabbad-joojin ah oo socday 60 maalmood.
Is-weydaarsiga weerarrada ee maalmihii lasoo dhaafay ayaa halis geliyay xabbad-joojintii hore, waxaana uu carqaladeeyay dadaalladii diblomaasiyadeed ee lagu doonayay in dib loogu furo marin-biyoodka muhiimka ah ee Strait of Hormuz.
Milatariga Mareykanka ayaa sheegay inuu habeenkii Jimcaha duqeyn ku qaaday goobo ku yaalla Iran oo ay ku jiraan xarumo sirdoon iyo kormeer, kaabayaal saadka militari, bakhaarro hub oo dhulka hoostiisa ah iyo awoodaha badda.
Sacuudi Carabiya ayaa digniin amni ka soo saartay khatar ka jirta Al-Kharj, oo qiyaastii 85 kiiloomitir koonfur-bari kaga beegan Riyadh, iyo magaalada Yanbu ee xeebta Badda Cas, oo leh warshad sifeynta shidaalka iyo xarun dhoofinta saliidda. Lama xaqiijin in Yanbu ay si toos ah bartilmaameed u ahayd.
Boqortooyada Sacuudiga ayaa inta badan dhoofinta shidaalkeeda u wareejisay dhinaca Badda Cas iyadoo adeegsanaysa dhuumaha isku xira bari iyo galbeed, kadib markii ay jiraan khataro ku wajahan marinka Hormuz.
Kuwait ayaa sheegtay in Iran ay ku dhufatay xarun koronto dhalisa iyo warshad sifeynta biyaha, taasoo noqotay weerarkii labaad ee lagu beegsado kaabayaasheeda laba maalmood gudahood.
Milatariga Kuwait ayaa sheegay in nidaamyada difaaca cirka ay qabteen dhowr mowjadood oo weerarro ah oo ay ku jireen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo ballistic ah. Shirkadda diyaaradaha Kuwait Airways ayaa sidoo kale sheegtay inay dib u habeyn ku sameysay inta badan duulimaadyadeeda kadib markii si ku-meel-gaar ah loo xiray hawada dalka.
Dhowr shaqaale oo ka tirsan dab-damiska iyo waaxda tamarta ayaa ku dhaawacmay weerarrada, sida uu sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca Kuwait.
Baxrayn, oo martigelisa saldhigga shanaad ee ciidamada badda Mareykanka, ayaa sidoo kale dhowr jeer yeertay digniino hawada ah, iyadoo ciidamadeeda ay sheegeen inay fashiliyeen weerarro cirka ah.
Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC) ayaa sheegtay inay weerartay saldhig Mareykan ah oo ku yaalla Baxrayn isla markaana ay bartilmaameedsatay xarunta ugu weyn ee sirdoonka macmalka ah (Artificial Intelligence) ee dalkaas.
IRGC ayaa uga digtay dalalka gobolka ee martigeliya ciidamada Mareykanka ama oggolaanaya in dhulkooda loo adeegsado weerarro ka dhan ah Iran inay filayaan "jawaab u dhiganta", waxayna ku boorisay inay dhaqaajiyaan cutubyada difaaca rayidka si loo ilaaliyo shacabka.
GAROWE ONLINE