Iran oo sheegtay in Xuutiyiinta ay si wadi doonaan beegsiga maraakiibta Badda Cas

Image
Abdullahian ayaa carabka ku adkeeyay in Yemen ay qayb ka tahay ammaanka Galbeedka Aasiya.

San’aa (GO) - Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Hossein Amir Abdollahian, ayaa uga digay Mareykanka iyo Ingriiska in ay sii wadaan weerarada ka dhanka ah Yemen, isagoo xaqiijiyay in Xuutiyiinta ay sii wadi doonaan weerarada ay ku hayaan maraakiibta, inta uu socdo dagaalka Qasa.

Abdullahian ayaa shir jaraa’id oo uu si wadajir ah ula qabtay dhiggiisa Hindiya Subrahmanyam Jaishankar ku yiri: “Booqashadani waa tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo iskaashiga kala duwan ee Iran iyo India, iyadoo la raacayo danaha labada dal.”

Wasiirka ayaa intaas raaciyay, “Kulanka maantana waxa aanu isku dhaafsanay aragtiyo ku saabsan arrimaha caalamiga ah, oo ay ku jiraan dhibaatada ka jirta Qasa”.

Abdullahian ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in Yemen ay qayb ka tahay wadamada ilaalinaya ammaanka Galbeedka Aasiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM