Iran oo u yeertay safiirada Sweden iyo Denmark

Image
SAWIR HORE

TEHRAN, Iran - Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa sheegtay inay si gooni ah ugu yeertay Danjiraha arrimaha Sweden iyo Denmark u qaabilsan Tehran, iyadoo ka soo horjeeda aflagaadada joogtada ah ee lagu hayo qur’aanka kariimka ah.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa lagu cambaareeyay aflagaadada lagu hayo xurmada Islaamka, waxayna xaqiijisay in dowladaha Sweden iyo Denmark ay mas’uul ka saarantahay cawaaqibta ka dhalata.

“Iran waxa ay si buuxda mas’uuliyadda dusha ka sasareysaa dawladaha Sweden iyo Denmark” sidaasi waxa yiri madaxa waaxda xuquuqul insaanka ee wasaarada arimaha dibada Iran.

Dadka Islaamka neceb ee dalalka Denmark iyo Sweden ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay gubay bogag ka mid ah Qur’aanka, taasoo ka careysiisay caalamka Islaamka.

Wadamada Islaamka ayaa isla markaana ugu baaqay dowladaha Waqooyiga Yurub inay mamnuucaan falalkaasi, sidoo kale dalalka qaar ayaa u yeeray. Safiirada iyo diblomaasiyiinta matalaya Sweden iyo Denmark si ay ugu wargeliyaan cabshadoodi ku aadan arrintan.

Dowladaha labada dal ayaa dhankooda cambaareeyay gubida Quraanka, waxayna sheegeen inay ka fiirsanayaan soo saarista sharciyo cusub oo looga hortagayo falalka noocaan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo la filayo inay ka hesho Shiinaha gantaallo lagu soo rido diyaaradaha

Haddii heshiiskan la fuliyo, wuxuu muujinayaa inuu sii xoogeysanayo iskaashiga militari ee u dhexeeya Shiinaha iyo Iran.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 10:35AM

Mareykanka iyo Sacuudiga oo Weerar ku qaaday Kooxo Iran Taageerto oo ku sugan Ciraaq

Kooxda Ciidamada Abaabulka Shacabka (PMF) ee Ciraaq, oo xiriir dhow la leh Iran, ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 dagaalyahan lagu dilay.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 09:40AM