Ireland oo 70 Milyan ka badan ku bixinaysa Cilmi baarista

Image

Dublin-Dowlada wadanka Ireland ayaa ku dhawaaqday in 70 Milyan oo Euro ay ku biirinayso sanduukha kala dhaxeeyo Ingiriiska ee kor u qaadista xalalka waara.

Simon Harris Wasiirka Tacliinta Sare hal Abuurka iyo Cilmi Baarista ee Ireland ayaa sheegay in ay kharashkaasi ku bixin doonaan cilmi baarista la xiriirta Cunada iyo Isbedelka Cimilada.

Dalka Boqortooyada Ingiriiska iyo Ireland ayaa horey uga wada tirsanaa Midawga Yurub balse tan iyo intii uu ka baxay wali waxaa joogto ah xiriirka soo jireenka ah ee labadaasi wadan ka dhaxeeya.

Heshiisyo uu kamid yahay kan isku socodka xorta ah ayaa ka dhaxeeyo labada wadan iyada oo sidoo kale shaqaalaha iyo waxbarashadana ay wax badan wadaagaan.

Dunida ayaa la hardamaysa xakamaynta isbedelka Cimilada iyada oo dalalka horumaray ee wax soo saarka leh ay Warshahadahoodu kusii daayaan hawada sare, Qiiq faro badan kaasi oo dalalka ku dhibtooda ay kamid yihiin kuwa soo koraya.

 

GaroweOnline.

Related Articles

Turkiga oo amar xiritaan usoo saaray Netanyahu iyo mas’uuliyiin kale oo lagu eedeeyay “xasuuqa” Gaza

Amarrada xiritaanka Turkiga ayaa sidoo kale su’aalo ka keenay doorka ay Turkigu ka ciyaari karto ciidamada amniga caalamiga ah ee Gaza.

  • Caalamka

    08-11-2025

  • 06:48AM

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM