Is-faham laga gaarey xakameynta hubka Nukliyeerka

Image
Sidoo kale xiriirka Mareykanka iyo Shiinaha ayaa xumaaday sannadihi ugu dambeeyay.

WASHINGTON, USA — Shanta dal ee ugu quwadda weyn dowladaha caalamka ayaa Isniinti si wada jir ah isugu raacay in ay ka shaqeeyaan sidi ay u joojin lahaayeen faafista hubka niyukleerka iyo in laga fogaado colaadda niyukleerka.

Shanta dal ee ugu quwadda weyn dowladaha caalamka ayaa Isniinti si wada jir ah isugu raacay in ay ka shaqeeyaan sidi ay u joojin lahaayeen faafista hubka niyukleerka iyo in laga fogaado colaadda niyukleerka.

Bayaan ay si wada jir ah u soo wada saareen dalalka Mareykanka, Ruushka, Shiinaha, Faransiiska iyo Ingiriiska, ayay ku sheegeen "In ay si xoog leh u rumeysanyihiin in faafista hubka niyukleerka ay tahay in laga hortago,"

Waxay kaloo sheegeen in dagaal loo adeegsado hub niyukleer ah aanan guul laga gaari doonin isla markaana ay tahay in aananba lagu dagaallamin.

Hadalkaan ayaa yimid, kaddib bilooyin ay kacsaneyd xaaladda xadka Ukraine iyo Ruushka, halkaas oo ay Moscow geeysay tobnaan kun oo ka mid ah ciidankeeda. Sidoo kale xiriirka Mareykanka iyo Shiinaha ayaa xumaaday sannadihi dhawaa.

VOA

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM