Is-faham laga gaarey xakameynta hubka Nukliyeerka

Image
Sidoo kale xiriirka Mareykanka iyo Shiinaha ayaa xumaaday sannadihi ugu dambeeyay.

WASHINGTON, USA — Shanta dal ee ugu quwadda weyn dowladaha caalamka ayaa Isniinti si wada jir ah isugu raacay in ay ka shaqeeyaan sidi ay u joojin lahaayeen faafista hubka niyukleerka iyo in laga fogaado colaadda niyukleerka.

Shanta dal ee ugu quwadda weyn dowladaha caalamka ayaa Isniinti si wada jir ah isugu raacay in ay ka shaqeeyaan sidi ay u joojin lahaayeen faafista hubka niyukleerka iyo in laga fogaado colaadda niyukleerka.

Bayaan ay si wada jir ah u soo wada saareen dalalka Mareykanka, Ruushka, Shiinaha, Faransiiska iyo Ingiriiska, ayay ku sheegeen "In ay si xoog leh u rumeysanyihiin in faafista hubka niyukleerka ay tahay in laga hortago,"

Waxay kaloo sheegeen in dagaal loo adeegsado hub niyukleer ah aanan guul laga gaari doonin isla markaana ay tahay in aananba lagu dagaallamin.

Hadalkaan ayaa yimid, kaddib bilooyin ay kacsaneyd xaaladda xadka Ukraine iyo Ruushka, halkaas oo ay Moscow geeysay tobnaan kun oo ka mid ah ciidankeeda. Sidoo kale xiriirka Mareykanka iyo Shiinaha ayaa xumaaday sannadihi dhawaa.

VOA

Related Articles

Netanyahu oo Mareykanka ugu baaqay inuusan Turkiga ka iibin diyaaradaha F-35

Turkiga wuxuu ka tirsanaa waddamada iskaashiga ku lahaa soo saarista diyaaradda F-35, wuxuuna qorsheynayay inuu iibsado in ka badan 100 diyaaradood.

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 08:43PM

Trump Oo Farageliyey: FIFA Oo U Fasaxday Cayaaryahan Horey Loo Siiyey Kaarka Cas

Go’aankan ayaa yimid kadib markii ilo xog-ogaal ah ay sheegeen in Madaxweynaha…

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 06:33AM