IS oo sii daysey la-haystayaal Turkish ah

Image

Sept 20, 2014 (Garowe Online)- Waxaa maanta oo Sabti ah dib xoriyaddooda u helay 49 qof oo dalka Turkiga u dhashay, kuwaas oo muddo bilo ah u afduubnaa kooxda mayalka adag Daacish (IS) ee dalka Ciraaq.

Dadka lasii daayey oo isugu jira diblumaasiyiin, askar iyo qoysaskoodii, waxaa laga qafaashay qunsuliyadda Turkiga ee Mowsil bishii June ee lasoo dhaafay, markaas oo dagaalyahannada IS ay magaaladaas la wareegeen.

Ra'iisul Wasaaraha Turkiga Ahmet Davutoglu ayaa sheegay in sii deynta la haystayaasha Turkiga ahi ay ku timid dadaal badan oo ay sirdoonka dalkaasi sameeyeen.

Davutoglu ayaa docda kale soo gaba gabeeyey booqasho dhowr maalmood qaadan lahayd oo uu ku joogey dalka Azerbaijan, isagoo sheegay in sii deynta dadkaasi ay cashar lama illaawaan ah u noqon doonto Turkiga.

Wakaaladda wararka ee Turkiga Anadol ayaa baahisay  in aanay jirin wax madax furasho ah oo dadkaas lagu sii daayey dhammaantoodna ay caafimaad qabaan.

Dowladda Turkigu waxay horay u shaacisay inaysan qayb ka noqon doonin dagaal toos ah oo ka dhan ah Kooxda IS, waxayse sheegtay in dekedaheeda iyo garoomadeeda ay u fasixi doonto in laga soo dejiyo saadka iyo hubka kooxdaas lagula dagaallamayo.

Xigasho: Aljazeera/Arabic

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM