​IS oo soo bandhigtay 4-sano jir qarxiyay gaari

Image
Image
Image
Image
Image
Image

Muuqaal uu baahiyay ururka isku magacaabay dowladda Islamiga ah ee IS, ayaa muujinaya wiil yar oo 4-sano jir ah kaasoo qarxinaya gaari ay saaranyihiin afar maxbuus lagu eedeeyay basaasnimo. 

Wiilkan oo kasoo jeeda dalka Britain, waxaa dhashay hooyo dhawaan qaatay diinta Islaamka taasoo horay u ahayd masiixiyad, iyadoo xilligaas kadib ku biirtay ururka ka dagaallama qaybo kamid ah Bariga dhexe. 

Muuqaalka, ayaa laga dhex arkayay cunuga yar oo gacanta ku haya rumuudka qaraxa lagu xiray gaariga maxaabiista islamarkaana sare u taagaya gacantiisa kuna dhawaaqayay "ALLAHU AKBAR’. 

Maxaabiista lagu dilay falkaas, ayaa qiranaya inay ahaayeen basaasiin u khidmeeya waddamada reer Galbeed, lacagna ku siinayay inay sawirro ka soo qaadaan magaalada Raqqa ee xarunta kooxda IS. 

Mid kamid ah ururrada kasoo horjeeda Daacish ee xaruntoodu tahay Raqqa ayaa beeniyay eedaynta lagu dilay raggaasi, waxuuna tilmaamay inay ahaayeen ganacsato caan ka ah magaalada. 

Ruux u duubnaa afka loona malaynayo inuu ka dambeeyo falka lagu tacdiibay islamarkaana lagu dilay maxaabiistaasi, ayaa Ra'isal wasaaraha Britian David Cameron ku eedeeyay  inuu soo hubeeyo ururrada mucaaradka ku ah IS ee jooga dalka Suuriya.

Dowladda Britain, ayaa ka hadashay eedaynta loo soo jeediyay waxaana Afhayeenka Ra'isal  wasaaraha Ingiriiska uu sheegay in cajaladaasi cadaynayso jaahilnimada IS iyo inay abuurayaan dacaayado. 

Muuqaalka cunuga qarxiyay gaariga ayaa ururka IS markii labaad soo bandhigtay, waxaana hadda kahor shaashadda kasoo muuqday isagoo gowracaya maxbuus gacanta ugu jiray Daacish.

GAROWEONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM