​ISIS oo sheegatay qaraxyada Brussels

Image

Ururka Daacish ayaa sheegatay mas'uuliyadda weeraro saddex ah oo maanta ruxay magaalada Brussels ee dalka Belgium, ayada oo laba ka mid ah qaraxyada ka dhaceen garoonka diyaaradaha magaalada, halka mid kalena uu ka dhacay xarunta tareenada laga raacay.

Qaraxyaadaasi, waxaa ku dhintay in kabadan 34 ruux, waxaan qoraal ururkaasi soo dhigay baraha bulshada ku sheegtay inay ka dambeeyeen mas'uuliyadda qaraxyadda xarunta Builgium.

Dadka dhintay waxaa kamid ah saddex ruux oo dalka Maraykanka u dhashay, waxaana qaraxyada ka dhacay garoonka midkood uu fuliyay ruux isku xiray waxyaabaha qarxa.

Dalka Builgium ayaa la aaminsayahay inuu u ololeynayay howlgallo ka dhan ah kooxda Islaamiga ah ka dagaallanta qaybo kamid ah Bariga dhexe, balse arrintaasi si cad uma baahin mas'uuliyiinta dalkaas.

Qaraxyadan ayaa saamayn ku yeeshay dhammaan waddamada xarumahoodu ku yaallaan Brusels, waxaana socdo kulamo kala duwan oo laga yeelanayo xaaladdan soo korortay.

Madaxweynaha Dalka Maraykanka Brack Obama oo ka hadlayay falka maanta dhacay, ayaa iclaamiyay in laa caawiyo waddanka Beulgium, wuxuunta inaasi raaciyay in laga guulaysan karo kooxa argagixisada xilli uu ka hadlayay dalka Cuba shir ka dhacay.

Majirto cid loo soo qaybtay weeraradii dhacay, balse xukuumadda fadhigeedu yahay Brusells, ayaa sheegtay inay soo qaban doonaan cid walbo oo arrinta gacan ka gaysatay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM