Iska-hor-imaad dhexmaray ciidamada Iran iyo Taliban

Image
Muuqaalo badan ayaa Arbacadii muujinayay ciidamada Taalibaan oo is abaabulaya. Rasaas ayaana la maqlayaa.

TEHRAN, Iran - Iska hor imaad u dhaxeeyay askarta Iran iyo xoogaga Taliban ayaa ka dhacay meel ku dhow xuduudka Afghanistan iyo Iran, balse waxay u muuqataa inaan wax khasaare ah geysan, waxaana markii dambe lagu tilmaamay "isfahan darro".

Muuqaalo badan ayaa Arbacadii muujinayay ciidamada Taalibaan oo is abaabulaya. Rasaas ayaa la maqlayaa halka mid ka mid ah uu muujinayo ciidamada Iran oo ridaya madaafiic ay kaga jawaabayaan rasaasta Talibanka.

Wakaaladda wararka Iran ee Tasnim ayaa xaqiijisay dagaalka ka dhacay tuulada Shaghalak ee gobolka Hirmand.

Tasnim, oo xiriir la leh Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC), ayaa sheegtay in ay jiraan meelo darbi ah oo ku yaalla ciidda Iran oo u dhow xudduudda Afgaanistaan ​​si loola dagaallamo tahriibka.

"Qaar ka mid ah beeralayda Iran ayaa soo dhaafay darbiyada laakiin waxay weli ku sugan yihiin gudaha xadka Iran markii ciidamada Taliban ay rasaas ku fureen, iyagoo u maleynaya in dhinacooda lagu xadgudbay," ayaa lagu yiri warbixinta.

Dagaalka ayaa la soo afjaray, waxaana mas’uuliyiinta Iran ay kala hadlayeen xaaladda Taliban, ayay raacisay.

Goor dambe oo Arbacadii ah, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran, Saeed Khatibzadeh ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay "isfaham la'aan ka dhex dhacday dadka deggan xuduudka" uu sababay dagaalka, isagoo aan magacaabin Taliban.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM

FIFA oo xaqiijisay in xulka Iran uu ka qaybgalayo Koobka Adduunka 2026

Iiraan ayaa ku jirta Guruubka G, waxayna kulammadeeda la ciyaari doontaa xulalka Belgium, Masar, iyo New Zealand.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 10:37AM