Iska-hor-imaad dhexmaray ciidamada Iran iyo Taliban

Image
Muuqaalo badan ayaa Arbacadii muujinayay ciidamada Taalibaan oo is abaabulaya. Rasaas ayaana la maqlayaa.

TEHRAN, Iran - Iska hor imaad u dhaxeeyay askarta Iran iyo xoogaga Taliban ayaa ka dhacay meel ku dhow xuduudka Afghanistan iyo Iran, balse waxay u muuqataa inaan wax khasaare ah geysan, waxaana markii dambe lagu tilmaamay "isfahan darro".

Muuqaalo badan ayaa Arbacadii muujinayay ciidamada Taalibaan oo is abaabulaya. Rasaas ayaa la maqlayaa halka mid ka mid ah uu muujinayo ciidamada Iran oo ridaya madaafiic ay kaga jawaabayaan rasaasta Talibanka.

Wakaaladda wararka Iran ee Tasnim ayaa xaqiijisay dagaalka ka dhacay tuulada Shaghalak ee gobolka Hirmand.

Tasnim, oo xiriir la leh Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC), ayaa sheegtay in ay jiraan meelo darbi ah oo ku yaalla ciidda Iran oo u dhow xudduudda Afgaanistaan ​​si loola dagaallamo tahriibka.

"Qaar ka mid ah beeralayda Iran ayaa soo dhaafay darbiyada laakiin waxay weli ku sugan yihiin gudaha xadka Iran markii ciidamada Taliban ay rasaas ku fureen, iyagoo u maleynaya in dhinacooda lagu xadgudbay," ayaa lagu yiri warbixinta.

Dagaalka ayaa la soo afjaray, waxaana mas’uuliyiinta Iran ay kala hadlayeen xaaladda Taliban, ayay raacisay.

Goor dambe oo Arbacadii ah, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran, Saeed Khatibzadeh ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay "isfaham la'aan ka dhex dhacday dadka deggan xuduudka" uu sababay dagaalka, isagoo aan magacaabin Taliban.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Hal Sano Kadib Isku-daygii dilka Trump, Eedeysane Labaad oo Maxkamad Tagaya

Toddobaadkii hore, Routh ayaa maxkamad federaal ah ka hor sheegay inuu doonayo inuu iska eryo qareenadiisa uu dowladda ka helay.

  • Caalamka

    14-07-2025

  • 12:33PM

Trump Oo Ku Dhawaaqay Canshuuro Cusub Oo 30% Ah Ka Dhan Ah Midowga Yurub Iyo Mexico

Warqadda uu u diray Midowga Yurub ayuu Trump ku sheegay in khasaaraha ganacsi ee Maraykanka.

  • Caalamka

    12-07-2025

  • 01:30PM