Ismail Haniyeh: Qaabka loo dilay hogaamiyihii Xamaas oo lasoo bandhigay
DOOXA, Qadar - Hoggaamiyihii sare ee ururka Xamaas, Ismail Haniyeh, ayaa Arbacadii lagu dilay weerar loo adeegsaday qarax kaasoo ka dhex dhacay qolka uu ka daganaa guriga martida ee magaalada Tehran, sidda laga soo xigtay illo wareedyo la hadlay wargeyska New York Times.
Qaraxa ayaa la sheegay in lagu qariyay guriga martida oo ay ilaaliso Ciidanka Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, halkaas oo Haniyeh uu degganaa. Shan ka mid ah ilo wareedyada ayaa sheegay in qaraxa la dhigay guriga martida ku dhawaad laba bilood ka hor.
Gurigan martida ayaa qeyb ka ah xarun weyn oo loo yaqaan Neshat, oo ku taalla xaafad ay dagaan saraakiisha sarre ee Iiraan waxayna ku taallaa waqooyiga Tehran.
Haniyeh ayaa u joogay caasimadda Iran si uu uga qeybgalo caleema-saarka madaxweynaha cusub ee Iiraan. Qaraxa ayaa la qarxiyay markii la xaqiijiyay inuu ku sugan yahay qolkiisa. Qaraxa ayaa sidoo kale dilay mid kamid ah ilaaladiisa.
Qaraxa ayaa ruxay dhismaha, daaqadahana jajabiyay, soona dumiyey qaar kamid ah gidaarka bannaanka dhismaha, sida ay sheegeen labo kamid ah saraakiisha Ilaalada Kacaanka Iiraan.
Haniyeh, oo hogaanka Xafiiska Siyaasadda Xamaas ka soo qabtay Qatar, ayaa guriga martida degganaa marar badan marka uu booqdo Tehran, sida ay sheegeen saraakiisha Bariga Dhexe.
Saraakiisha Iran iyo Xamaas ayaa Arbacadii ku eedeeyay Israa’iil dilka Haniyeh. Sidoo kale dhowr sarkaal oo ka tirsan milatariga Mareykanka ayaa sheegashadaas aanan beenin.
Dilka ayaa khatar ku ah inuu kiciyo rabshado cusub oo ka dhaca Bariga Dhexe iyo inuu carqaladeeyo wadaxaajoodyada lagu soo afjarayo dagaalka Gaza. Haniyeh wuxuu ahaa hoggaamiye sare oo wadahadallada xabbad joojinta. Qadar iyo Turkiga ayaa si weyn uga caroodey dilka hogaamiyahan.
Israa’iil ayaan wali si rasmi ah u qiran mas’uuliyadda dilka, balse saraakiil ka tirsan sirdoonka Israa’iil ayaa fahfaahinta howlgalkaas si degdeg ah ula wadaagay Mareykanka iyo qaar kamid ah dowladaha kale ee reer Galbeedka, sida ay sheegeen illo wareedyada kasoo jeeda dhanka Bariga Dhexe.
Weerarkan ayaa su’aalo hor leh ka keenay amniga gudaha Iran iyo awoodda sirdoonka Iran inay ilaaliyaan nabadgelyada muwaadiniinta iyo martida muhiimka ah ee dalka.
Tan ayaa sidoo kale waxay cadaadis weyn saareysaa madaxda Ilaalada Kacaanka iyo hay’adaha kale ee amniga ee ka shaqeeya ilaalinta madaxda sare iyo martida caalamiga ah. Weerarkan ayaa la filayaa inuu horseedo falcelin xooggan oo ka yimaada Xamaas iyo xulafadooda Bariga Dhexe.
GAROWE ONLINE