Israa'iil ayaa daaha ka qaaday dalalka ka caawiyay iska caabinta gantaallada Iran

Image
Afhayeenka ciidamada Israel Admiral Daniel Hagari ayaa sheegay inay jiraan wadamo taageeray Israa'iil.

Tel Aviv (GO) - Afhayeenka Ciidamada Israa’iil Admiral Daniel Hagari ayaa shaaca ka qaaday in Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska ay “ dhaqaaqeen” intii ay socdeen duqeymaha ay Iiraan ku qaadday Israa’iil.

Hagari waxa uu sheegay in Tel Aviv ay si dhow ula shaqaynayso Maraykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska, kuwaas oo tallaabo qaaday Xalay, waa sida uu hadalka u dhigaye, isaga oo intaa ku daray, “Iskaashigani waxa uu ahaa mid soo jireen ah, balse waxa lagu soo bandhigay caawa si aan caadi ahayn.”

Hagari wuxuu kale sheegay in si ka duwan duqeymaha laga soo riday gudaha Iran, dhowr duqeymo laga soo riday dhulalka Ciraaq iyo Yemen, laakiin ma aysan gelin dhulka Israel.

Habeen hore, Iran ayaa weerarkeedii ugu horreeyay ee toos ah ku qaaday Israa'iil iyadoo adeegsatay tobanaan diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada loo yaqaan Cruise missiles, ka dib markii taliye sare oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka lagu dilay weerar la rumeysan yahay in Israa'iil ay la beegsatay dhismaha safaaradda Iran ee Dimishiq toddobaadkii hore.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM