Israa'iil oo 10 qof Falastiini ah ku dishay Daanta Galbeed ee la haysto

Image
In ka badan 100 kale oo Falastiiniyiin ah ayaa sidoo kale waxay ku dhaawacmeen rasaasta.

LONDON, UK - Toban Falastiini ah oo uu ku jiro oday da’ ah iyo dhowr xubnood kale ayaa lagu dilay weerar ay ciidamada Israa’iil ka fuliyeen Daanta Galbeed ee la haysto, sida ay sheegeen goobjoogayaal iyo saraakiil caafimaad.

Qaraxyo iyo rasaas ayaa laga maqlayay gudaha magaalada Nabulus, waxaana halkaasi ka dhacay iska horimaad hubeysan oo dhexmaray rag hubeysan iyo ciidamadda Yahuuda.

Milateriga Israa'iil ayaa sheegay in ciidamadoodu ay hareereeyeen dhismo iyaga oo raadinaya "dadka looga shakisan yahay argagixisada". Wararka ayaa intaasi ku daraya in raggaasi la toogtay, kadib markii ay rasaas ku fureen ciidamada.

Wasaaradda caafimaadka Falastiin oo qoraal kooban soo saartey ayaa waxay sheegtay in Adnan Saabe Baara oo 72 jir ah uu ka mid ahaa dadka lagu dilay weerarka.

In ka badan 100 kale oo Falastiiniyiin ah ayaa sidoo kale waxay ku dhaawacmeen rasaasta. Todobo ka mid ah waxay ku sugan yihiin isbitaalada deegaanka iyaga oo wajahaya xaalad halis ah.

Dhacdadan ugu dambeeysay ayaa imaanaysa iyadda oo todobaadkan ay soo baxayeen warar sheegaya in isfaham uu ka shaqeeyay Mareykanka oo la doonayay in xiisada lagu qaboojiyo.

Ilaa hadda sanadkan cusub 2023-ka, ugu yaraan 50 falastiiniyiin ah – oo ay ku jiraan maleeshiyaad iyo rayid – ayaa la dilay, halka 11 qof lagu dilay weerarrada Falastiiniyiinta ee lagu bartilmaameedsanayo dhigooda ciidanka iyo dadka Yahuuda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM