Israa’iil oo amartay in la banneeyo dhamaan Isbitaallada Qasa

Image

QASA (GO) - Ciidamada Israa’iil Maanta faray dadka ku dhaqan Qasa in ay faarujiyaan dhammaan isbitaallada ku yaalla Marinka si ay ula tacaamulaan XMS, iyaga oo xusay in dhowr kun oo qof ay weli ku sugan yihiin barxadda xarunta caafimaadka ee Shifa.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ugu yaraan 150,000 oo qof ay ka qaxeen waqooyiga Qasa saddexdii maalmood ee la soo dhaafay.

Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo ciidamada Israa’iil ay sii adkeeyeen go’doominta ay ku hayaan xarunta caafimaadka ee Al-Shifa, oo ay ku socdaan duqeymo xooggan, iyadoo ay gebi ahaanba laga jaray korontada.

Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah, taangiyada Israa’iil ayaa madaafiic la beegsaday koox caafimaad oo u socotay inay baaraan dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay oo ku sugnaa barxadda xarunta Al-Shifa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM