Israa'iil oo askar badan looga dilay weerar loo adeegsadey drones

Image
Waa weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee lagu qaado saldhig ay Israa’iil leedahay.

LONDON, UK - Weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Hezbollah ayaa lagu dilay afar askari oo Israa’iiliyiin ah oo ku sugnaa saldhig ciidamada Israa’iil ku leeyihiin koonfurta Haifa habeenkii Axadda

Waa weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee lagu qaado saldhig ay Israa’iil leedahay tan iyo markii Israa’iil ay kordhisay weerarada ay ku qaadayso ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan bishii hore

Dhanka kale gudaha Lubnaan, wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in 51 qof ay ku dhinteen duqeymo ay Israa’iil ka geysatay guud ahaan dalka Axaddii

Magaalada Gaza, mas'uuliyiinta ay maamusho Xamaas ayaa sheegay in weerar ay Israa'iil ku qaadday iskuul ay gabbaad ka dhiganayeen Axaddii ay ku dhinteen 22 qof, oo ay ku jiraan 15 carruur ah.

Ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee ku sugan Lubnaan ayaa sheegay in taangiyada Israa’iil ay xoog ku galeen mid ka mid ah goobahooda Axaddii – Israa’iil ayaa ku muransan qaabka Qaramada Midoobay ay u dhacday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM