Israa’iil oo beegsan doonto hogaamiyayaasha XMS ee ku nool dibadda Qasa

Image
Netanyahu ayaa si maldahan u soo hadal qaaday qorshaha Israa’iil ee dilalka qorsheysan.

QASA (GO) - Madaxa Hay'adda Ammaanka Gudaha ee Israa'iil (Shin Bet), Ronen Bar, ayaa sheegay Axaddii, in Israa'iil ay baacsan doonto xubnaha ururka Xamaas ee ku sugan Qatar, Turkiga iyo Lubnaan, xitaa haddii ay sanado ku qaadato, sida uu hadalka u dhigay.

Wargeyska Mareykanka ee "The Wall Street Journal" ayaa daabacay Jimcihii warbixin muujineysa qorshaha Israel ay ku dili doonto hogaamiyayaasha Xamaas ee caalamka ku sugan, marka uu dhamaado dagaalka ay ka wado Marinka Qasa.

Wargeyska ayaa ka soo xigtay mas'uuliyiinta Israa'iil, in Ra'iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu amar ku siiyay hay'adaha sirdoonka inay horumariyaan qorshayaal lagu dilayo hoggaamiyeyaasha sare ee Xamaas ee ku nool meel ka baxsan Qasa.

Netanyahu ayaa si maldahan u soo hadal qaaday qorshaha Israa’iil ee dilalka qorsheysan ee ay ka geysaneyso dibadda, taas oo ka careysiisay qaar ka mid ah kuwa doorbiday in ay la qariyo qorshahaan, sida uu sheegay wargeyska.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Mareykanka oo joojiyey gargaar cunto oo nafbadbaadin u ahaa malaayiin carruur ah

Cilmibaareyaal caafimaad iyo ururo samafal ayaa uga digay Dowladda…

  • Caalamka

    18-04-2025

  • 06:35AM

Trump oo Xiraya 10 Safaaradood iyo 17 Qunsuliyad, si u dhimo Miisaaniyada Dibadda

Qunsuliyadaha la soo jeediyay in la xiro ayaa inta badan ku yaal Yurub, kuwaasoo ay ku jiraan goobo dalxiis oo ay jecel yihiin Mareykanka.

  • Caalamka

    16-04-2025

  • 09:31AM