Israa’iil oo caddeysay waxa ay la damacsantahay Qasa marka ay la wareegto

Image

QUDUS - Afhayeen u hadlay ciidamada Israa’iil ayaa Talaadadii sheegay in illaa heer caalami ah looga doodi doono xaaladda Qasa ka dib weerarka dhulka ay qorsheynayaan Israa'iiliyiitu inay ka fuliyaan.

Wuxuu uu sheegay, "Qasa waxay xuduud la leedahay waddamo kale. Go’aanka laga gaarayo waa inuu ka yimaadaa hogaanka siyaasadeed iyo ciidamadaba."

Israa’iil ayaa isku diyaarinaysa in ay weerar dhulka ah ku qaado Marinka Qasa, ka dib weerarro maalmo socday ay Xamaas ku qaadday magaalooyin iyo degaanno ku yaalla koonfurta Israa’iil.

Ciidamada Israa’iil ayaa duqeyntii ugu cusleyd ee abid ka geysta marinka Qasa ku qaaday, waxaana ay abaabuleen ciidamada dhulka si ay weerar dhulka ah u qaadaan.

Israa'iil ayaa Qasa ka baxday 2005-tii, laba sano kaddibna waxaa gacanta ku dhigay ururka Xamaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM