Israa'iil oo dishay 5 hoggaamiye oo XMS ah toddobaad gudihiis

Image

QASA (GO) - Garabka hubaysan ee ururka Xamaas Guutada Al-Qassam, ayaa Axaddii ku dhawaaqay geerida afar ka mid ah taliyeyaasha ciidankooda ee ku sugnaa Marinka Qasa, oo uu ku jiro Taliyihii Guutada Waqooyiga ee Qasa, Axmed Al-Ghandour.

Guutada Al-Qassam ayaa bayaan ay ku sheegtay kanaalka ay ku leedahay barta Telegram in afartii taliye ee lagu dilay dagaalkii “Daadadka Al-Aqsa” ay kala ahaayeen Axmed Al-Ghandour, Wael Rajab, Raafat Salman, iyo Ayman Siam.

Al-Ghandour waxa uu ka badbaaday saddex isku day dil oo ay Israa’iil ka dambeysay tan iyo sannadkii 2002-dii, sida ku xusan barnaamijka “La-dagaalanka Xag-jirnimada” ee fadhigiisu yahay Washington.

Xamaas ayaa Sabtidii baroordiiq u dhigtay hoggaamiyaha ururka, Axmed Bahr, oo ahaa ku-simaha madaxa golaha sharci-dejinta ee Falastiin.

Waxa ay tilmaantay in dhimashadiisa ay timid ka dib markii uu ku dhaawacmay duqeymaha ba’an ee ay Israa’iil ku hayso Qasa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM