Israa'iil oo dishay Falastiiniyiin ay ku jiraan haweeney Uur lahayd

Image
Weeraradan ayaa ka kala dhacay magaalooyinka Nablus, Hebron iyo Ramallah ee daanta galbeed.

DOOXA, Qadar - Ciidamada gurmadka deg dega ah ee Gaza ayaa meydadka 50 Falastiiniyiin ah ka soo saaray xabaal wadareed ay ku aasanaayeen oo ku taalla Nasser Medical Complex ee magaalada Khan Younis.

Sida ay sheegtay warbaahinta gudaha, dhacdadan ayaa waxa ay kusoo beegmaysaa laba toddobaad un kadib markii ciidamada maamulka Yahuuda ay ka baxeen aagga.

Dhanka kale, Haweeney uur leh iyo lix carruur ah ayaa ka mid ahaa siddeed Falastiiniyiin ah oo lagu dilay mowjado weeraro ah oo Israa’iil ay ka geysatay Rafah, oo ah magaalada ugu koonfureed ee Gaza.

Dhakhaatiirtu waxay ku guuleysteen inay badbaadiyaan ilmaha uurka ku jira ee haweeneyda. Hase ahaatee, nasiib darro waxa ay badbaadin waayeen hooyadda dhashay caruurta.

Ciidamada Israel ayaa weerar ku qaaday magaalooyinka Nablus, Hebron iyo Ramallah ee daanta galbeed kadib howlgal saddex maalmood qaatay oo ay ka fuliyeen xerada qaxootiga ee Nur Shams oo ay ku dileen 14 falastiiniyiin ah.

Hezbollah ayaa sheegtay in ay uga jawaabtay weerar ay Israa’iil ku dishay saddex ka mid ah dagaalyahannadeeda iyagoo weeraray dhismayaal ay isticmaalaan askartA ee Metula iyo Shlomi ee waqooyiga Israa’iil.

Geesta kale, Ruushka ayaa waxa uu ku gacan seyray $95 bilyan oo uu Mareykanka ku kharash gareynayo wadamada Ukraine, Israel iyo Taiwan, isagoo sheegay inay sii kordhin doonto xiisadaha adduunka oo dhan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM