Israa'iil oo dishay Taliyihii Ciidamada Badda Iiraan xilli khasaaruhu sii kordhayo

Image

QUDUS – Wasiirka Difaaca Israa'iil, Israel Katz, ayaa shaaciyay in weerar cirka ah oo ay fuliyeen ciidamadooda lagu khaarajiyay Taliyihii Ciidamada Badda ee Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC), Alireza Tangsiri.

Katz oo soo saaray bayaan muuqaal ah maanta oo Khamiis ah, ayaa xaqiijiyay in dilka Tangsiri la fuliyay habeenimadii Arbacada, isagoo sheegay in lala beegsaday "saraakiil kale oo sarsare oo ka tirsan taliska ciidamada badda." Wasiirka ayaa intaas ku daray: "Ninkii sida tooska ah mas'uulka uga ahaa hawlgallada argagixisada ee miinooyinka lagu dhigayay laguna xirayay Marinka Hormuz waa la qarxiyay waana la ciribtiray."

Tan iyo markii uu qarxay dagaalka u dhexeeya isbaheysiga Mareykanka-Israa'iil iyo dalka Iiraan bishii Febraayo 28-keedii, Israa'iil waxay sheegtay inay dishay madax dhowr ah oo sare, oo ay ka mid yihiin Hoggaamiyaha Sare Ayatollah Ali Khamenei iyo madaxii amniga Ali Larijani.

In kasta oo bartilmaameedyadu u muuqdaan kuwo military, haddana khasaaraha dadka rayidka ah ayaa ah mid aad u baaxad weyn. Muddo ka yar hal bil gudaheed, waxaa dalka Iiraan lagu dilay ugu yaraan 1,937 qof, kuwaas oo ay ka mid yihiin 452 haween iyo carruur ah, sida uu sheegay Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Iiraan, Ali Jafarian.

Sidoo kale, Jafarian ayaa u sheegay telefishinka Al Jazeera in dhaawacu uu hadda kor u dhaafay 24,800 oo qof, iyadoo ay ku jiraan 4,000 oo haween ah iyo 1,621 carruur ah. Xaaladda bini'aadanimo ee magaalooyinka waaweyn ee Iiraan ayaa laga deyrinayaa iyadoo duqeymaha ay weli socdaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM