Israa’iil oo eedeyn culus u jeedisay Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNRWA

Image
Katz ayaa dib u cusbooneysiiyay eedeymaha Israel ee ka dhanka ah hay'adda Qaramada Midoobay.

Qasa (GO) - Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil Israel Katz ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu uu isku dayi doono in uu ka hortago Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka qaxootiga Falastiiniyiinta ee UNRWA in ay ka shaqeyso marinka Qasa, marka uu dhammaado dagaalka hadda socda.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa “X” ayuu Katz uga falceliyay go’aankii ay Mareykanka iyo Kanada ku hakiyeen maalgelinta UNRWA, iyaga oo ku eedeeyay Hay’adda in qaar ka mid ah shaqaalaheeda ay ka qeyb qaateen weerarkii 7-dii Oktoobar.

Katz ayaa dib u cusbooneysiiyay eedeymaha Israel ee ka dhanka ah hay'adda Qaramada Midoobay ee ah in ay u dhaqanto sidii cudud rayid ah oo ay Xamaas ku leedahay Qasa.

Wasiirka Israel ayaa ku andacooday in UNRWA aysan ahayn xal, maadaama qaar badan oo ka mid ah shaqaalaheeda ay yihiin xubno ka tirsan Xamaas lana dhacsan aragtideeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM