Israa'iil oo gantaal ku garaacdey magaalo ku taalla bartamaha Iran

Image
Warsidaha afka dheer ee Fars ayaa tabiyay in qaraxa uu ka dhacay magaalada Qahjaverestan.

WASHINGTON, USA - Israa’iil ayaa weerar loo adeegsaday gantaal ka fulisay gudaha Iran waaberigii hore ee Jimcaha maanta ah wakhtiga maxaliga ah, sidda ay warisay warbaahinta Maraykanka, iyada oo soo xiganaysa saraakiil magacyadooda qariyay.

Warbixinada shabakadaha kala ah ABC, CBS iyo NPR ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan goobta ama bartilmaameedka gantaalka muuqda.

Afhayeen u hadlay militariga Israa’iil ayaa VOA u sheegay in uusan wax hadal ah ka bixin wararka warbaahinta Mareykanka, saacad ka dib markii ay soo baxeen wararka.

Wakaalladda Wararka Iiraan ee IRNA ayaa sheegtay in difaaca cirka ee jamhuuriyadda Islaamiga ah laga hawl galiyay hawada sare ee dhowr gobol balse ma sharaxin sababta.

IRNA iyo wakaaladda wararka dowladda ee Fars, oo xiriir la leh ilaalada kacaanka Islaamiga ah ee Iran, ayaa soo xigatay ilo wareed aan la magacaabin, iyagoo sheegay in qarax uu ka dhacay gobolka Isfahan ee bartamaha Iran.

Fars ayaa qaraxa ka dhacay magaalada Qahjaverestan, oo ku taal duleedka bari ee magaalada Isfahan. Hase ahaatee, masoo bandhigin wax fahfaahin ah oo ku saabsan waxyeeladda ka dhalatay.

Israa'iil ayaa uga digtay Iran inay ka aargoosan doonto duullaan aan horay loo arag oo Iran ay ku qaadday dhulka Israa'iil Axaddii hore. Iran ayaa iyaduna ka digtay in weerar kasta oo aargoosi ah oo Israa'iil ah lagala kulmi doono jawaab degdeg ah oo adag.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub: Dhammaan Dowladuhu Waa Inay La Shaqeeyaan Maxkamadda ICC

Afhayeenka Guddiga Yurub Anouar El Anouni, oo ka hadlay shir jaraa’id oo Talaadadii dhacay…

  • Caalamka

    28-07-2026

  • 04:23PM

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM