Israa’iil oo hakinayso dagaalka Qasa inta lagu guda jiro bisha Ramadaan

Image
Biden ayaa ka digay in Israel ay halis ugu jirto inay lumiso taageerada adduunka.

Qasa (GO) - Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Talaadadii sheegay in Israa’iil ay ogolaatay in aan dhaqdhaqaaqyo ciidan laga sameyn marinka Qasa inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

Biden ayaa ka digay in Israel ay halis ugu jirto inay lumiso taageerada adduunka inteeda kale, iyadoo tirada badan ee dhimashada Falastiin ay sii kordhayso.

Biden ayaa intaa ku daray, wareysi uu siiyay NBC, in Israa'iil ay ka go'an tahay in ay awood u siiso Falastiiniyiinta inay ka baxaan Rafah ee koonfurta Qasa ka hor inta aysan xoojin ololaha ay halkaas ku burburinayaan Xamaas.

Biden waxa uu tilmaamay in mabda’ ahaan uu jiro heshiis xabad joojin ah oo u dhaxeeya labada dhinac inta lagu guda jiro sii deynta maxaabiista u xiran Xamaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM