Israa'iil oo in ka badan 10 askari looga dhaawacay weerar gaadmo ah

Image
Ururka Xisbullah ayaa markii dambe ku dhawaaqay in ay duqeeyeen xarunta guutada 91-aad ee waqooyiga Israa’iil.

DOOXA, Qadar - Ugu yaraan 18 askari oo Israa’iiliyiin ah ayaa ku dhaawacmay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee kooxda Xisbullah ee Lubnaan ku qaadeen buuraha Golan ee Suuriya ee ay Israa'iil haysato, sida ay ciidamadu sheegeen.

"18 askari ayaa ku dhaawacantay, oo mid ka mid ah uu culus yahay, inta kalena dhaawac fudud ayaa soo gaaray, sababtoo ah qaraxa diyaarad aan duuliye lahayn oo Hezbollah ah oo laga soo riday koonfurta Lubnaan," ayaa lagu yiri raadiyaha ciidamada Israel ee X.

Mar sii horeysay oo Axadii ah, Channel 12 ee Israel ayaa sheegay in sagaal qof ay ku dhaawacmeen weerarkan.

Ururka Xisbullah ayaa markii dambe ku dhawaaqay in ay duqeeyeen xarunta guutada 91-aad ee waqooyiga Israa’iil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM