Israa’iil oo ka baxday wada-xaajoodka xabbad joojinta Qasa

Image
Qatar, Maraykanka iyo Masar, ayaa dhaxdhaxaadinayay wada-hadallo ka socda caasimadda Dooxa

Dooxa (GO) - Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa ka soo xigatay sarkaal sare in Israa’iil ay u yeertay wafdiga ku matalayay wada-hadallada dhexdhexaadinta ee xabbad joojinta Qasa, iyaga oo ku sifeeyay dalabaadka XMS kuwo aan maan -gal ahayn.

Sarkaalka ayaa ku eedeeyay hogaamiyaha Xamaas ee Gaza, Yahya Sinwar, inuu wax u dhimayo diblomaasiyadda islamarkaana hurinayo dagaalkan inta lagu jiro bisha Ramadaan.

Qatar ayaa goor sii horeysay oo maanta ah xaqiijisay in wada-hadallada Xamaas iyo Israa’iil ee ku saabsan xabbad joojinta ay weli socdaan, inkastoo labada dhinac ee dagaallamaya ay isweydaarsadeen eedeymo la xiriira carqaladaynta dadaalada socda.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar Majid Al-Ansari ayaa mar sii horreysay sheegay in wada-hadallada ay sii socdaan, isagoo intaa ku daray in aysan jirin wax keenaya in mid ka mid ah labada wafdi uu ka baxo wada-xaajoodka.

Muddo toddobaadyo ah, Qatar, oo ay weheliyaan Maraykanka iyo Masar, ayaa dhaxdhaxaadinayay wada-hadallada ka socda caasimadda Dooxa, si loo gaaro xabbad-joojin u dhexeysa Israa'iil iyo Xamaas.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Midowga Yurub: Dhammaan Dowladuhu Waa Inay La Shaqeeyaan Maxkamadda ICC

Afhayeenka Guddiga Yurub Anouar El Anouni, oo ka hadlay shir jaraa’id oo Talaadadii dhacay…

  • Caalamka

    28-07-2026

  • 04:23PM

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM