Israa’iil oo ku hanjabtay in ay duqeyn doonto Dimashaq iyo Al-assad

Image

QASSA - Ilo-wareedyo ka tirsan Israa’iil ayaa xaqiijisay in dawladda Israa’iil ay ugu hanjabtay Xisbullah inay duqayn doonto magaalada Dimishiq, isla markaana ay khatar gelin doonto madaxweynaha Suuriya haddii ay ku biiraan dagaalka ka socda Qassa..

Ilo-wareedyadan ayaa sheegay in maamulka Maraykanku uu Congress-ka ka codsanayo ogolaansho ah in uu awood u adeegsado Xisbullah haddii ay soo gasho dagaalka.

Ururka Xisbullah ee Lubnaan, oo ku jira liiska argagixisada Mareykanka, ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerar gantaallo iyo madaafiic lagu garaacay agagaarka Beeraha Shebaa, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Xisbiga taageersan Iran ayaa sheegay in duqeynta lala beegsaday Israa'iil "ay ku timid taageero ay u fidinayaan dadka Falastiiniyiinta ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM