Israa'iil oo ku hanjabtay in dagaalka Gaza soconayo 2024-ka dhan

Image
In ka badan 21,800 oo qof ayaa lagu dilay gudaha marinka Gaza kaliya 11 todobaad gudahooda.

DOOXA, Qadar - Milatariga Israel oo bayaan cusub faafiyay ayaa shaaca waxa uu ka dhigay inay rajeynayaan in colaadda Gaza ay sii socon doonto inta lagu jiro sanadka 2024 oo dhan.

Afhayeenka ciidamada Israa'iil, Daniel Hagari oo jeediyay wax uu ku sheegay fariinta sanadka cusub, ayaa ku sheegay in ciidamada la kala saarayo si loogu diyaariyo "dagaal daba dheeraaday".

Hagari oo kasoo muuqdey baraha bulshadda ayaa wuxuu sheegay in ciidamada qaar - gaar ahaan kuwa badbaadada ah - la soo celin doono si loogu oggolaado inay dib u soo urursadaan.

"La qabsashadan waxaa loogu talo galay in lagu xaqiijiyo qorsheynta iyo diyaargarowga si loo sii wado dagaalka inta lagu guda jiro guud ahaan sanadka 2024-ka," ayuu yiri.

Wuxuu hadalkiisa ku daray: "IDF-ka waa inay qorsheyneysaa ka hor is-fahamka ah in ay jiri doonaan howlgallo dheeraad ah, sanadka intiisa kalena uu socon doono dagaalka".

Hagari ayaa xusay in qaar ka mid ah kayd-celiyeyaal ay ka tegayaan Gasa "sida ugu dhakhsaha badan asbuucan" si ay ugu oggolaadaan inay "dib u xoojiyaan dib-u-howlgalinta ka hor hawlgallada soo socda".

In ka badan 21,800 oo qof ayaa lagu dilay gudaha marinka Gaza – oo u badan carruur iyo haween - intii ay socdeen 11 toddobaad oo ay dagaallo socdeen, sida ay sheegtay Xamaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM