Israa’iil oo la wareegi doonto Mas’uuliyadda amniga Qasa dagaalka ka dib

Image

QASA (GO) - Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa ku dhawaaqay in Israa'iil ay la wareegi doonto "mas'uuliyadda amniga guud" ee marinka Qasa, ka dib dagaalka ay hadda ku qaadayso Xamaas.

Netanyahu ayaa yiri: "Israa'iil waxay la wareegi doonta mas’uuliyadda amniga Qasa, ilaa muddo aan la cayimin.”

Isagoo ka jawaabaya su'aal ku saabsan cidda ay la rabaan in ay maamulaan Qasa dagaalka ka dib, Netanyahu wuxuu yiri, "Kuwa aan dooneynin inay ku sii socdaan waddada Xamaas."

Netanyahu ayaa carabka ku adkeeyay in aysan xabad joojin ka dhici doonin Marinka Qasa ilaa Xamaas ay sii deyso maxaabiista ay gacanta ku dhigtay ka dib dagaalkii 7dii Oct.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM