Israa’iil oo looga digay in ay weerar ku qaado magaalada Rafah

Image
Netanyahu ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan weerarrada ka dhanka ah XMS.

Qasa (GO) - Xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in aan la ogolaan karin weerar ay Israa’iil ku qaaday magaalada xadka ku taalla ee Rafah ee Marinka Qasa, maadaama uu keeni karo khasaare nafeed oo aad u weyn.

Afhayeenka Xafiiska Xuquuqul Insaanka Jeremy Lawrence ayaa yiri: "Haddii Israa'iil ay weerar ku qaado Rafah, halkaas oo 1.5 milyan ay magangalyo u raadsanayaan waxaa ka dhalanaya xaalado aad looga xumaado oo ka baxsan bini'aadantinimada.

Wuxuu intaasi raaciyay: “Weerar kasta oo dhulka ah oo lagu qaado Rafah wuxuu sababi doonaa khasaare nafeed oo aad u weyn wuxuuna kordhinayaa khatarta dambiyada foosha xun. Tani waa inaan la ogolaan inay dhacdo”

Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu uu sheegay Khamiistii in Israa'iil ay sii wadi doonto weerarrada ay ku hayso goobaha ay XMS kaga suganyihiin Qasa, oo ay ku jirto magaalada Rafah, inkastoo ay sii kordhayaan cadaadiska caalamiga ah ee lagu joojinayo weerarka.

Netanyahu ayaa ballan qaaday in uu baabi'in doono XMS ka dib markii ay weerar ku qaadeen koonfurta Israa'iil 7-dii Oktoobar, halkaas oo ay ku dileen 1,200 oo qof ayna ka afduubteen 253 maxbuus, sida ay shaaciyeen Yahuuda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo joojiyey gargaar cunto oo nafbadbaadin u ahaa malaayiin carruur ah

Cilmibaareyaal caafimaad iyo ururo samafal ayaa uga digay Dowladda…

  • Caalamka

    18-04-2025

  • 06:35AM

Trump oo Xiraya 10 Safaaradood iyo 17 Qunsuliyad, si u dhimo Miisaaniyada Dibadda

Qunsuliyadaha la soo jeediyay in la xiro ayaa inta badan ku yaal Yurub, kuwaasoo ay ku jiraan goobo dalxiis oo ay jecel yihiin Mareykanka.

  • Caalamka

    16-04-2025

  • 09:31AM