Israa’iil oo looga digay in ay weerar ku qaado magaalada Rafah

Image
Netanyahu ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan weerarrada ka dhanka ah XMS.

Qasa (GO) - Xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in aan la ogolaan karin weerar ay Israa’iil ku qaaday magaalada xadka ku taalla ee Rafah ee Marinka Qasa, maadaama uu keeni karo khasaare nafeed oo aad u weyn.

Afhayeenka Xafiiska Xuquuqul Insaanka Jeremy Lawrence ayaa yiri: "Haddii Israa'iil ay weerar ku qaado Rafah, halkaas oo 1.5 milyan ay magangalyo u raadsanayaan waxaa ka dhalanaya xaalado aad looga xumaado oo ka baxsan bini'aadantinimada.

Wuxuu intaasi raaciyay: “Weerar kasta oo dhulka ah oo lagu qaado Rafah wuxuu sababi doonaa khasaare nafeed oo aad u weyn wuxuuna kordhinayaa khatarta dambiyada foosha xun. Tani waa inaan la ogolaan inay dhacdo”

Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu uu sheegay Khamiistii in Israa'iil ay sii wadi doonto weerarrada ay ku hayso goobaha ay XMS kaga suganyihiin Qasa, oo ay ku jirto magaalada Rafah, inkastoo ay sii kordhayaan cadaadiska caalamiga ah ee lagu joojinayo weerarka.

Netanyahu ayaa ballan qaaday in uu baabi'in doono XMS ka dib markii ay weerar ku qaadeen koonfurta Israa'iil 7-dii Oktoobar, halkaas oo ay ku dileen 1,200 oo qof ayna ka afduubteen 253 maxbuus, sida ay shaaciyeen Yahuuda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM