Israa’iil oo looga digay inay duulaan ku qaaddo magaalada Rafah

Image
Dagaal walba oo ka dhaca Rafah wuxuu sii xumeynaya dhibaatada bini’aadantinimo ee ka jirta Qasa.

Qasa (GO) - Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Kamala Harris ayaa sheegtay in cawaaqib xumo ay la kulmi doonto Israa’iil haddii ay ku sii socoto qorashaheeda ku aadan in ay duulaan ku qaaddo magaalada Rafah.

Wareysi cusub oo ay siisay ABC News, Harris waxay ku tiri: "In badan ayaan cadeynay in howlgal kasta oo militari ah oo ka dhaca Rafah uu noqon doono qalad weyn. Waxaan aragnay khariidadaha, ma jirto meel dadka ku sugan Rafah ay gabaad ka dhigan karaan”.

Waxay sii raacisay: "Waxaan si cad u sheegnay in la dilay tiro aad u badan oo Falastiiniyiin ah oo aan waxba galabsan & in dadka Israa'iil iyo Falastiiniyiinta ay xaq u leeyihiin inay ku noolaadaan nabad iyo sharaf."

Dagaal walba oo ka dhaca magaalada Rafah ayaa sii xumeyn kara dhibaatada bini’aadantinimo ee ka jirta Marinka Qasa, maadaama magaalada ay tahay meesha ugu weyn ee laga soo galiyo cunno iyo sahayda caafimaad.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM