Israa’iil oo qaadday mas’uuliyada dilka horjooge ka tirsanaa Xisbullaah

Image
Wissam Al-Tawil ayaa Isniintii lagu dilay duqayn ay Israa'iil la beegsatay gaarigiisa.

BEIRUT (GO) - Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil, Israa’iil Katz, ayaa xaqiijiyay in Tel Aviv ay ka dambeysay dilka hoggaamiyihii Xisbullah ee Wissam Al-Tawil, inkastoo dowladda Israa’iil aysan wali war rasmi ah u ka soo saarin.

Israel Katz ayaa ku sheegtay wareysi uu siiyay Channel 14: "Waxaan qaadnay mas'uuliyadda dilka taliyihii ciidamada Radwan ee ku dhintay weerarka aan ka fulinay koonfurta Lubnaan ."

Katz waxa uu intaa ku daray: "Tani waa qayb ka mid ah dagaalka, waxaanu waxyeelo u geysanaynaa xubnaha Hezbollah iyo nidaamyada ay u dejiyeen si ay u weeraraan Israa'iil.”

Wissam Al-Tawil ayaa Isniintii lagu dilay duqayn ay Israa'iil la beegsatay gaarigiisa magaalada Khirbet Salam, oo ku taal meel 11 KM u jirta xuduudka Israa'iil.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM