Israa’iil oo sheegatay dilka sarkaal sare oo ka tirsan XMS

Image
Ciidamada Israa’iil ayaa maanta ku dhawaaqay in ay dileen sarkaal ka tirsan waaxda amniga gudaha ee XMS.

Qasa (GO) - Ciidamada Israa’iil ayaa maanta ku dhawaaqay in ay dileen sarkaal ka tirsan waaxda amniga gudaha ee Xamaas oo lagu magacaabo Akram Abdel Rahman Hussein Salama, iyaga oo xusay in uu qorsheeyay weeraro oo ka fulinayo gudaha Israa’iil.

Afhayeenka ciidamada Israel ee warbaahinta Carabta, Avichay Adraee, ayaa ku qoray X, “Ciidamada Israa’iil waxay meesha ka saareen sarkaal ka tirsan adeegga amniga gudaha ee Xamaas oo doonayay inuu weeraro argagixiso ah ka fuliyo marinka Qasa iyo gudaha dhulka Israa'iil."

Waxa uu intaa ku daray, "Arbacadii la soo dhaafay, diyaaradaha dagaalka ee Ciidamada Cirka waxay duqeyn ku dileen Akram Abd al-Rahman Hussein Salama, oo ah sarkaal ka tirsan waaxda gudaha ee Xamaas. "

Adraee oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray, "Wuxuu sidoo kale doonayay in uu ka fuliyo marinka Qasa hawlgalo waaweyn lala jeeday in lagu waxyeeleeyo hawlaha Ciidamada Israa’iil, marka lagu daro in uu ku lug lahaa qorsheynta iyo fulinta weeraro ka dhacay gudaha Israa'iil."

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Midowga Yurub: Dhammaan Dowladuhu Waa Inay La Shaqeeyaan Maxkamadda ICC

Afhayeenka Guddiga Yurub Anouar El Anouni, oo ka hadlay shir jaraa’id oo Talaadadii dhacay…

  • Caalamka

    28-07-2026

  • 04:23PM

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM