Israa'iil oo sheegtay in ay dhawaan baabi'in doonto guutadii ugu dambeysay ee XMS

Image
Dagaallada u dhexeeya ciidamada Israa’iil iyo Xamaas ee Marinka Qasa ayaa socda maalintii 122-aa.

Qasa (GO) - Wasiirka Difaaca Israa’iil Yoav Galant ayaa ku andacooday in Guutadii ugu dambeysay ee Xamaas ee ku haray Khan Yuunis dhawaan lasoo afjari doono, isagoo xusay in “bartilmaameedka” xiga ee Israa’iil uu yahay aagga Rafax ee xadka Masar.

Gallant ayaa ku sheegay Shir jaraa'id oo uu ku qabtay xarunta Wasaaradda Difaaca, "Bartilmaameedka xiga waa Rafah. Hoggaanka Hamas iyo Sinwar (Yahya Sinwar, madaxa dhaqdhaqaaqa Xamaas ee Marinka Qasa) ayaa ku dhuumaaleysanaya”.

Galant ayaa sidoo kale sheegay in aanay jirin meel ay Xamaas ku dhuuman karaan, oo ay ka mid tahay Rafah, isaga oo ku andacoonaya in ciidanka Israa'iil ay burburiyeen in ka badan kala bar ciidamada Xamaas.

Wasiirka difaaca Israa’iil waxa uu intaa ku daray in sii socoshada duulaanka Israa’iil, uu horseedi doono soo celinta maxaabiista u afduuban Xamaas.

Dagaallada u dhexeeya ciidamada Israa’iil iyo Xamaas ee Marinka Qasa ayaa socda maalintii 122-aad, iyadoo ay jiraan dadaalo lagu gaarayo heshiis cusub oo ku saabsan sii deynta maxaabiis.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM