Israa’iil oo sheegtay inay duqeyn doonto baabuur walba oo gargaar u sida Qassa

Image

QASSA - Ilaha warbaahinta Israa’iil ayaa tilmaamay in Israa’iil ay uga digtay Masar inay wax gargaar ah u soo dirto Qassa, waxayna ku hanjabtay inay beegsan doonto gargaar kasta.

Channel-ka 12-aad ee Israa’iil ayaa sheegay in Israa’iil ay ku wargelisay Masar in ay duqayn doonto baabuur kasta oo mucaawino u sidda Qassax oo mara marinka Rafah.

Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee gargaarka ayaa Masar kala hadlay sidii gargaar bini’aadantinimo loogu diri lahaa Marinka Qassa ee go’doonsan, iyadoo loo marayo Rafah, sida lagu sheegay warbixin ay daabacday wakaaladda wararka ee AP.

Warbixintu waxa ay sheegtay in maamulka Masar ay la xiriireen Israa’iil iyo Maraykanka si loo sugo marinnada bini’aadantinimo ee Qassa xilli ay sii socdaan duqeymaha ay Israa’iil ka waddo Marinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM