Israa’iil oo sii xoojisay duqeymaha ay ka fulineyso Qassa

Image

QASSA - Qaraxyo waaweyn oo ka dhashay duqaynta joogtada ah ee Israa’iiliyiinta ayaa ruxay magaalada Qassa. Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil waxay dib u duqeeyeen xaafadda Al-Rimal ee magaaladaas, iyadoo dad shacab ah ay ku dhinteen..

Warbaahinta Cibraaniga ayaa farta ku fiiqday waxa ay ugu yeereen calaamado muujinaya dhaq dhaqaaq ciidan oo dhulka ah oo ay ciidamada Israa’iil doonayaan inay guadaha u galaan marinka Qaza.

Dhankeeda, Guutada Al-Qassam, oo ah garabka militariga ee (Xamas), ayaa Isniintii ku dhawaaqay inay bilaabayaan toogashada maxaabiis rayid ah oo kasoo jeeda Israa’iil hadii lagu sii wado duqeymaha aan loo meyl dayn oo ay ku dhinteen tiro badan oo shacab ah.

Abu Cubeyda, oo ah afhayeenka guutada al-Qassam, ayaa yiri: “Waxaan ku dhawaaqeynaa in duqeyn kasta oo dadkeena lala beegsado digniin la'aan, waxaan taa beddelkeeda dileynaa mid ka mid ah la haystayaasha rayidka ah ee cadowga, waana baahin doonnaa.”

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM

Trump oo damaanad-qaaday amniga Ukraine Haddii Heshiis Nabadeed Laga Gasho Ruushka

Marka la eego arrimaha amniga, caawimo badan baa jiri doonta," ayuu Trump u sheegay warfidiyeenka.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 08:33AM