Israa’iil oo sii xoojisay duqeymaha ay ka fulineyso Qassa

Image

QASSA - Qaraxyo waaweyn oo ka dhashay duqaynta joogtada ah ee Israa’iiliyiinta ayaa ruxay magaalada Qassa. Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil waxay dib u duqeeyeen xaafadda Al-Rimal ee magaaladaas, iyadoo dad shacab ah ay ku dhinteen..

Warbaahinta Cibraaniga ayaa farta ku fiiqday waxa ay ugu yeereen calaamado muujinaya dhaq dhaqaaq ciidan oo dhulka ah oo ay ciidamada Israa’iil doonayaan inay guadaha u galaan marinka Qaza.

Dhankeeda, Guutada Al-Qassam, oo ah garabka militariga ee (Xamas), ayaa Isniintii ku dhawaaqay inay bilaabayaan toogashada maxaabiis rayid ah oo kasoo jeeda Israa’iil hadii lagu sii wado duqeymaha aan loo meyl dayn oo ay ku dhinteen tiro badan oo shacab ah.

Abu Cubeyda, oo ah afhayeenka guutada al-Qassam, ayaa yiri: “Waxaan ku dhawaaqeynaa in duqeyn kasta oo dadkeena lala beegsado digniin la'aan, waxaan taa beddelkeeda dileynaa mid ka mid ah la haystayaasha rayidka ah ee cadowga, waana baahin doonnaa.”

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM