Israa’iil oo u digtay dadka ku dhaqan waqoyga Qasa

Image

QASA - Dadka ku nool Qasa ayaa sheegay inay heleen digniin cusub oo ka timid ciidamada Israa’iil, iyagoo lagu amray in ay ka soo dhaqaaqaan waqooyiga marinka oo ay aadaan dhanka koonfureed.

Digniintu waxay intaa ku dartay in "qof kasta oo sii jooga waqoyga loo aqoonsan doono inuu la dhacsan yahay urur argagixiso," iyadoo Israa'iiliyiintu ula jeedaan ururka Xamaas.

Israa’iil ayaa ciidamo iyo gaadiid gaashaaman isugu geysay xadka marinka Qasa, iyagoo isku diyaarinaya duulaan dhulka ah oo la filayo.

Wadamada Caalaanka ayaase uga digay Israa'iil in ay ku dhaqaaqado falkan inta ay ugu jiraan gacanta Xamaas maxaabiis Rayid ah.

Tirada dhimashada falastiniyiintu ayaa ilaa haatan kor u dhaaftay 4 kun oo qof, xilli ay ku dhaawacmeen in ka badan 13,000.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM