Israa’iil oo u yeertay safiirrada Spain iyo Belgium

Image

QASA (GO) - Israa'iil ayaa u yeertay safiirrada Spain iyo Belgium, sababo la xiriira hadallo ka soo yeeray ra'iisul wasaaraha labada dal oo shir jaraa'id ku qabtay xadka Marinka Qasa.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil ayaa amar ku bixiyay in loo yeero danjirayaasha Spain iyo Belgium si loo u canaanto, ka dib hadallada ay ku dhawaaqeen ra’iisul wasaaraha Belgium iyo Spain.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa sidoo kale sheegay in Benjamin Netanyahu uu “si adag u cambaareynayo” hadallada labada Ra’iisul Wasaare.

Ra'iisul wasaaraha Spain Pedro Sanchez ayaa horey u yiri: "Israa'iil waxay xaq u leedahay inay is difaacdo, laakiin dilka aan loo meel dayin ee Shacabka Qasa waa wax aan la aqbali karin, waxa ka dhacaya Marinka Qasa waa masiibo bini'aadantinimo."

Raiisel wasaaraha Belgian Alexander De Croo ayaa sidoo kale yiri: "Dadka Qasa waxay si degdeg ah ugu baahan yihiin gargaar bini'aadantinimo oo dheeri ah, Xabbad-joojinta ku-meel-gaarka ah waa inay noqotaa mid joogto ah."

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM