Israa’iil & XMS oo gaaray heshiis lagu sii deynayo qaar ka mid maxaabiista

Image

QASA (GO) - Xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Arbacadii sheegay in dowladdu ay aqbashay heshiiska la soo jeediyay ee lagu sii deynayo qaar ka mid ah maxaabiista ku xiran Qasa.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil ayaa xaqiijiyay in 50 haween iyo caruur ah lagu sii dayn doono afar maalmood gudahood, muddadaas oo dagaalku uu joogsan doono, sida ay sheegtay Reuters.

Israa'iil waxay ballan qaaday inay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah Xamaas ka dib marka ay dhamaato xabbad joojinta, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee France-Presse ee dawladda Israa’iil.

Wargeyska Haaretz ayaa hore uga soo xigtay saraakiil Israa’iil iyo Maraykan isugu jira in heshiiskan sidoo kale qeexayo in 150 maxaabiis falastiiniyiin ah laga sii daayo xabsiyada Israa’iil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo amar xiritaan usoo saaray Netanyahu iyo mas’uuliyiin kale oo lagu eedeeyay “xasuuqa” Gaza

Amarrada xiritaanka Turkiga ayaa sidoo kale su’aalo ka keenay doorka ay Turkigu ka ciyaari karto ciidamada amniga caalamiga ah ee Gaza.

  • Caalamka

    08-11-2025

  • 06:48AM

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM