Israa’il oo la xaqiijiyay inay jawaab ka bixin doonto weerarkii Iran

Image
Madaxweynaha Maraykanka ayaa wado dadaal lagu baajinayo weerarkaas.

Washington (GO) - Wargeyska The Wall Street Journal ee kasoo baxa dalka Mareykanka ayaa kasoo xigtay 3 sarkaal oo ka tirsan maamulka madaxweynaha Mareykanka Joe Biden in Israel laga yaabo inay jawaab ka bixiso weerarkii Iran, maanta oo Isniin ah.

Ilaha wargayska ayaa sheegay in madaxweynaha Maraykanku uu isku dayay, mar uu wada hadal la lahaa ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, in uu ka dhaadhiciyo Israa’iil in aysan ku degdegin weerar celis.

Saraakiishan ayaa ku nuuxnuuxsaday in Maraykanku aanu ka qayb qaadan doonin weerar kasta oo ka dhan ah Iran, isla markaana ka shaqayn doono sidii ay xulafadiisa ula samaysan lahaa aragti diblomaasiyadeed oo midaysan, si looga hortago in colaaddu ku baahdo gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM